_gaq.push(['_trackPageview']); (function() { var ga = document.createElement('script'); ga.type = 'text/javascript'; ga.async = true; ga.src = ('https:' == document.location.protocol ? 'https://ssl' : 'http://www') + '.google-analytics.com/ga.js'; (document.getElementsByTagName('head')[0] || document.getElementsByTagName('body')[0]).appendChild(ga); })();

Arsenal Oo U Soo baxday Champions League


arsenalLONDON (AP)—Arsenal ayaa ku barbaratay Celtic markii ay 3-1 kaga taqalustay sidaan ay ku soo gaartay tartanka Champions League iyadoo ay wehliyaan kooxaha kala ah APOEL oo Cyprus ka socota iyo Fiorentina oo Italy ah .

Kooxda The Gunners horey waxey lugtii 1-aad ee sireebreebkaan ciyaarahaan kala baxa ah ku soo adkaatay magaalada Glasgow. Isku celcelis ahaana waxey ku soo baxaday 5-1 iyadoo xalay goalasha kala dhaliyeen Eduardo Da Silva, Emmanuel Eboue iyo Andrei Arshavin badal ciyaarta ku soo galay.

APOEL awxey Copenhagen ku dhaaftay 3-1 sidaana waxaa ugu suuragashay kooxad reer Cyprus iney sanadkii 2-aad oo isku xiga ay ugu qeyngasho ciyaarahaasi.

Fiorentina ayaa 1-1 markii ay la gashay Sporting Lisbon booskeeda champions league heshay iyadoo ku soo baxaday wax loo yaqaan away goals.

Olympiakos iyo Stuttgart ayaa sidoo kale u soo baxay ciyaarahaan iyagoo ka mid noqon doona 32-kooxood ee qorituurkooda lagu sameyn doono magaalada Monaco iyadoo group yada ay kala hogaaminayaan Manchester United, Real Madrid and defending champion Barcelona.

Celtic, oo tartankaan ka haratay waxey boos ka heli doontaa tartanka labaad ee qaarada yurub ay kooxihiisu ciyaaraan ee Europa League.

Guusha fudud ee uu helay macalinka Arsenal Arsene Wenger waxey u sahashay inuu ciyaarta ka saaro Abou Diaby, Eboue iyo Eduardo qeybtii danbe isagoo u dhigaashanaya ciyaarta sabtid ee Premier League ay la ciyaarayaan Manchester United.

Anorthosis Famagusta made Cyprus’ debut in the Champions League last season and APOEL emulated it with three first-half goals.

Fiorentina ayaa mar u muuqatay iney tartanka iskaga hari doonto markii 1-0 ay hogaanka kaga qabatay kooxad ay booqashada ugu tagtay ee Sporting Lisbon. Laakiin Stevan Jovetic ayaa 1-1 mar uu ciyaarta ka dhigay ay ku fakatay iyadoo 3-3 isku celcelis ahaan ku soo baxay waxaana saaciday away goals.

Greece’s Olympiakos ayaa 3-0 ku soo baxay markii ay lugtii 2-aad 1-0 kaga soo adkaatay Moldovan team Sheriff. Barbardhacaasi wuxuu saaciday Stuttgart oo 2-0 kaga badisay Timisoara of Romania iney soo baxado.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com
Somali Senior Sports Journalist
Sports Chief Editor
www.ciyaaro.com & www.waagacusub.com

  • Share/Bookmark

About the Author

Sunni Said Salah

One Response to “Arsenal Oo U Soo baxday Champions League”

  1. ASC ramadaan kariim saaxiibayaal wiish in uu is dhiibo waxa ku qasbay waxa ku qasbay wariyayaasha in ay dalkooda ka soo cararaan taas oo ah cabsi uga timid kooxda alshabab sidan maqlay wiish waxa uu bilad guddonsiiyey taliyaha booliska soomaliyed cabdi qaybdiid markii la maqlay arintaas wiish oo isaga noolaa dhulkiisa iskana soo lugayn jiray ama baabuurkiisa isaga watay si nabad galyo ah ayaa mar qura uu la kulmay hanjabaad joogtaa isla markiina wuxuu u dhoofay dalka kenya ka bacdina shaqooyin ayuu u baxay mana soo laaban ilaa iyo hadda wuxuu raadsaday sharci uu ku dhoofo marka lagu casumo shirarka addunka mar haddii dhib lagu qabo ku dhoofitaanka baasaboorka soomaliga midda kale ee aad leedihiin wuxuu iska ilaalinaa duraan waxba kama jiraan cayaartana waxaa tababare ka ah xoghayaha gos mr.tarabi oo saaxiib la ah labada nin iskuna keenay wiish hadduu dhinto waa sharci in uu duraan la wareego meesha haddase waxba kama halaysna 3 nin wiish waa guddomiyihii..duraan waa ku xigenka 1aad isla markaasna ah madaxa maaliyada sida sharcigu qabo..tarabi waa xoghayaha gos oo waxwalba isaga ayey ku soo dhacayaan addunka wuxuu isticmaalaa waa by email kaasna isaga kaliya ayaa haysta passwadkiisa hadduu caawa dhinto passwadkaasna waa dhintay in la badalo ayaa lagu soo noolayn karaa waana sida uu ku haysto booskiisa…Arintaas oo kale waxa hadda is ticmaala xoghayaha k/cagta mr.cabdiqani meel walba uu joogana isaga kaliya ayaa og waxa ku soo dhaca ninka loo haysto in uu yahay guddoomiye waa nin hoos jooga ninkaas meel walba ee uu joogana waa uu la xariiraa isaga oo tuugaayo ka soo qaad shirkii ugu dambeeyey ee fifa waxa aaday 2 qof waxana laga rabay 3 qof waa u suura gali waysay markaan ninka safarka jecel ee ah xoghayaha xiriirka k/cagta mr.cabdiqani wuxuu qaxooti ku ahaa holland mana haysan sharci uu uga soo baxo isaga ayaa booskaas isku buuxiyey qof kale oo xaq u lehna waa looga faa iidayn waayey sida ogayga gaabshe oo in muudo ah ahaa macalin hadana ah xubin xiriir…Waxan maalin dhawayd soo baxay kooxda dekedaha oo kala noqotay aqoonsiga xiriirka k/cagta waxa ka daba qaatay kooxo ay leyihiin xiriirka k/cagta oo mucaaraday arintaas inkastoo cabdi jiinow uu doonaayo in uu xiriirka madax ka noqdo hadana xaq ayuu u leeyahay in uu kala noqdo aqoonsiga madama ay ku bixiyaan maalgalin kooxdooda..bahwaynta jecel sportiga ma la socotaan kooxaha jira siday kala yihiin ok waxa jira 25 koox oo la aqoonsan yahay lagana aqoonsan yahay fifa iyo caf 2 ka mid ah waxa iska leh guddomiyaha 2 kale waxa iska leh ku xigenkiisa 1koox waxa iska leh xoghayaha 1 waxa iska leh maxamed farax oo ah xubin xirir kooxda faynuus waxa sheegta rashka oo u cayaari jiray oo ah xubin xirir kooxda banadir telcom bashiirgeesay iyo xuute ayaa ku faana waana xubno xirir 1 koox waxa iska leh amiinqasaaro waana xubin xirir oday gaabshe ayaa ka ah nadiif kaligiisana ma u cadalad fali karo kooxaha kale mar haddii uu xiriirkiiba leeyahay kooxo yaase u maqan kooxaha kale oo aysan lahayn xirirka waana arinta keentay in ay qaataan go aanka ah in ay xirirka kala noqdaan aqoonsiga sidoo kale waxa jira in ay midooben kooxaha kale oo aan xiriirka ku lahayn aabbo iyo hooyo kana soo horjedaan xiriirka uu madaxda ka yahay c/qani oo aan ishiisa waran marin wana ninka burburiyey banaadir istadyam isaga oo ka xumaa shaqayn la aanta garoonka uu wax ku noqday sdiyomuqdisho waa nin ku fekara qaab qabiil ama sidii uu ku heli lahaa dhaqalaha fifa ay biso haddii aad wax ka qoraysaan sportiga waxa u baahan in wax laga qoro kuwaan aaan aqoonta lahayn ee k/cagta iga raali ahada waan idinku dhereyey waxana jeclahay in sportigu tooso hormarana ilahay ha keeno dad aqoon u leh sportiga haddii muqdisho aan lagu shaqyn karin waxa lagu shaqayn karaa putlaan oo ah dhul soomaliyed maxa u diiday marka lagaha lagu cunaayo kenya iyo jabuuti?

Leave a Reply