FIFA oo Tababarka Wariyaasha Sports Africa soo gabagabeysay+Sawiro
NAIROBI, CIYAARO-Tababarkii Nairobi ugu socday wariyayaasha Sports qaarada afrika ayaa la soo gabagabeeyay , iyadoo xiritaankii seminarkaasi ay wakaalada wararka ee AFP ay wariyayaashii ka qeybgalay tababarkaasi shahaadooyin ku gudoonsiisay.
Tababarka wariyayaasha Sports Africa oo mudo hal todobaad ah ka socday Silver springs Hotel ayaa wuxuu ahaa mid sare looga qaadayay aqoonta wariyayaasha Africa ee sports ka faalooda, iyadoo si gaar ah loo barayay sida loo tabiyo ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo qaabka ay wararka u diyaariyaan wakaaladaha caalamiga ah.
Sidoo kale intii uu tababarkaan socday waxaa lagu barayay wariyaasha Sports Africa waxyaabaha looga baahan yahay wariyaha inta uusan bilaabin tabinta ciyaaraha caalamiga ah . iyadoo cashirada lagu bixinayay seminaarka ay gacan ka geystay wakaalada wararka ee AFP , waxaana cashir bixiye ka ahaa qabiir ka socday wakaaladaasi oo la yiraah Peter Shard.
Tababarkaan oo ah kii 2aad oo ay qaataan wariyayaasha sports afrika ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuca ay FIFA ugu talagashay inj wax lagu baro wariyayaasha Spors kaasoo qeyb ka ah koobka aduunka ee 2010 oo bisha June ee sanadkana ka furmay dalka South Africa.
Tababarkaan oo dhowr waji ka koobnaa ayaa waxaa qeybtaan ka qeybgalaya wariyayaasha sports ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa oo ay ka mid yihiin Kenya , Somalia, Uganda , Rwanda, iyo Tanzania kuwaasoo casumaaadaan ka helay qeybta Saxaafada ee FIFA ( FIFA media Department) iyo wakaalada wararka ee AFP.
Seminarkaan caalamiga ah ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuca loo bixiyaya “Win in Africa with Africa ” kaasoo ay iska kaashadeen qabashadiisa Wakaalada wararka ee AFP (Agency France-Press) gaar ahaan AFP Foundation, ururka k/cagta aduunka ee FIFA world football governing body markii ay maalgalin ka heleeen ururka midowga yurub (European Union)
FIFA ayaa seminarkaan wuxuuu u yahay kii ugu horeeyay ee ay u qabato wariyaasha sports Africa , kaasoo ka dhashay iyadoo markii ugu horeysay ay FIFA dhacada koobka aduunka ku qabaneyso ciida afrika gaar ahaan dalka South africa, waxeyna taasi keentay in ay sameyso qorshe balaaran oo ay ku hormarineyso aqoonta wariyayaasha sports qaarada afrika si ay ugu qeyb weyn ugu qaataan Tabinta ciyaaraha aduunka ee 2010 World Cup ee South Africa oo lagu balansan yahay iney bisha JUNE furmaan.
Wariyayaasha ka qeybgalaya tababarka FIFA iyo AFP waxaa mar kale nasiib u helay inuu ka mid noqdo Wariyaha Sports Somalia caanka ka ah ee Sir Sunni Said Salah kaasoo horey ugu qeybgalay wajigii 1-aad ee tababarkaan isla markaana shahaado caalami ah ku helay.iyadoo markii 2aad uu shahaado caalami ah ka helay wakaalada wararka ee AFP.
Wariye Sunni waxaa sharaf weyyn u ah inuu dalka Somalia u matalo mar kale seminaarka caalamiga ah ee FIFA/AFP ay iska kaashadeen , iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee taariikhda wariyayaasha sports Somalia uu wariye somaliyeed uu ka qeybgalo seminar caalami ah oo ay FIFA bixineyso.
Mashruucaan ayaa wuxuu yahay kii ugu horeeyay ee ebad loo qabto wariyaasha sports qaarada afrika , iyadoo FIFA ay u balanqaaday iney siin doonto wariyihii iska bixinaya qarashka joogitaanka South Afrika aqoonsiga ka qeybgalka ciyaaraha aduunka wax loo yaqaan accrecadation card .
















waa arin wanaagsan in uu helo tababar ceynkaan oo kala ah wariye soomaaiyeed ee dhinaca ciyaarah