_gaq.push(['_trackPageview']); (function() { var ga = document.createElement('script'); ga.type = 'text/javascript'; ga.async = true; ga.src = ('https:' == document.location.protocol ? 'https://ssl' : 'http://www') + '.google-analytics.com/ga.js'; (document.getElementsByTagName('head')[0] || document.getElementsByTagName('body')[0]).appendChild(ga); })();

Minnesota oo uu ka bilaaban doono tartanka Somali Week


t2Diyaariye:Abdulkadir Issa

MINNESOTA, CIYAARO-Shir ay isugu yimaadeen xubnaha  ururka  horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota , Somali Youth Development Organization In Minnesota (SYDOM), ayaa habeenimadii xalayto oo taariikhdu ku beegnayd 02/05/2010 lagu qabtay xarunta ururkaasi ee magaalada Minneapolis-  gobolka Minnesota.

Shirkaasi isaga ah oo uu shir guddoominayay, guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka , ahna tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda Koleyga  Cabdulqaadir Xaaji Daahir “Shiikha” ayaa looga hadlay arrimo faro badan oo ku saabsan horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyo u diyaargarowga qabashada  tartamada ciyaaraha ee toddobaadka Soomaalida iyo Maraykanka 2010.

Tartankan isaga ah oo aalaaba ay soo abaabulaan ururka SYDOM, looguna magac daray Somali /American Independence days Tournment ayaa si buuxda la isugu raacay in sannadkan 2010 uu hogganka cayaarahaasi qabto  tababare Shiikha, iyada oo xubnaha kale ee ururkana ay la shaqayn doonaan.

t 1

Tartamadan iyaga ah ayaa ka koobnaan doona noocyada ciyaareed ee Kubadda cagta ,Kubadda Koleyga iyo cayaaraha fudud, kaasi oo socon doona inta u dhaxaysa June 25 Ilaa July 4, 2010.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa la isla gartay inay ka qayb galaan 16 kooxood, kuwaasi  oo 10 kooxood oo ka mid ah  ay ka imaan doonaan dibadda sida Europe, iyo Canada .

Dhanka kubadda koleyga ayaa la isla gartay in tartankaasi  ay ka  soo qayb galaan 10 Kooxood oo lix kooxood ay ka imaan doonaan dibadda sida:  Europe, iyo Canada.

Waxaa iyaduna tartamadaasi garab socon doona tartamada cayaareed ee kubadda Koleyga iyo cagta dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 8 sano ilaa 16 sano.

Tartamadaasi ka dhici doona magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan dad faro  badan oo maamuus ku leh isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.

  • Share/Bookmark

About the Author

Sunni Said Salah

Leave a Reply