Somalida Australia oo ku guuleysatey Tartankii Jaaliyadaha
Kooxda kubadda cagta ee Somalida Austrelia ayaa waxaa ay ku guuleysteen Tartankii Jaaliyadaha Wadamada qaaradda africa ee ku sugan dalka Austrelia.kaasi oo todobaadyadii ugu danbeeyey ka socdey western Austrelia.
Kooxda Jaaliyadda Somalida ayaa tartankaasi intii uu socdey ku soo bandhigey ciyaaro farsamo ay ku dheehneyd oo ay si weyn uga heleen dhamaanba tageerayaashi somalida ee soo buux-dhaafinayey garoonka.
Ciyaartoyda Somalida ayaa kulankii Semi-finalka tartankaasi waxaa ay la ciyaareen jaaliyadda Sudan waxaana halkaasi Somalidu ku soo bandhigeen ciyaar si weyn loola dhacay oo ku dhisneyd farsamo iyo awood dheeri ah
Ugu danbeyntiina waxaa ay kaga adkaadeen 4-2,kama danbeystii finalka waxaa ay fooda isdareen kooxda jaaliyadda Ghana oo lagu tiriyo dalalka ku hormarey kubadda cagta, laakin Ciyaartoyda Somalia aya u sheegey Ghanna in xiligan ciyaartoyda soomalida Austrelia ay yihiin awooda kaliya ee Kooxaha Jaaliyadaha Caalamka waxaana ay ugu Awood sheegteen 3-0 oo ay soomaliya ku adkaatey.
Guddiga qabanqaabada tartankaasi ayaa halkaasi soomalida ku gudoonsiiyey Abaal-marino kala duwan iyo koobkii kaalinta koowaad,iyada oo madax ka tirsan xiriirka k.cagta Austrelia oo goob-joog ka ahaa finalkii u mahadceliyeen
Ciyaartoyda soomalida oo lagu Amaaney Dadaal iyo farsamo ay Asluub ku dheehan tahay.
Isku-soo duub Ciyaaryahanada Soomalida ku dhaqan wadanka Austrelia ayaa noqdey kuwo dhamaanba jaaliyadaha caalamku ay hadal hayaan
waxaana Xusid mudan in dhamaanba tartamada jaaliyada ee ka dhaca qeybaha kala duwan ee gobolada austrelia ay ku guuleystaan ama ay ka galaan kaalimaha hore,Tusaalle ahaan, Kooxda Jaaliyadda somalida ee ka dhisan
western Austrelia ayaa Dabayaaqadii 2009 waxaa ay Wacdaro ka dhigeen Tartankii Perth soccer 2009 markii ay ku guuleysteen Koobkii Junyerska halka kii Seniorka ay galeen kaalimaha hore, sidoo kale waxaa xusid mudan in dhowaan ay Ciyaartoyda futselka jaaliyadda ee Sydney ay qaadeen tartankii Futselka ee jaaliyada caalamka.
C/xafiid C/samed Zaciimka
zaciimka02@homail.com















waaw hanbalyo aqyaarta si fiican ayaad samey seen hanbalyo mar labaad sii wada saas cml