Tababare Dahir Boodaye oo hadlay

1 boodayeDahir maxed Raage (Dahir-Bodaye) oo ah tababare dhibanaca youthka ah ayaa waxaa uu sheegey in howlaha ay ka hayaan dalka canada ay ka mid tahay sidii dhalinyarada da’da yar looga leexin lahaa isticmaalka Drugs iyo waxyabaha xun xun isla markaana sportiga loogu dhiiri-gelin lahaa.

Tababare Dahir Bodaye oo iminka soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa xusey in markii ay tageen dibadda ayna arkeen in dhalinyarada soomaliyeed ay ku dadaaleen sidii ay u abuuri lahaayeen cumunity ka shaqeeya arimaha dhalinyarada da’yarta soomaliyeed ee ku dhaqan wadanka Canada,waxaana ay isaga, Cumar Warsame iyo laacibkii hore ee Naadigii FIAT Dahir Xasan Xusen (Marshaalle) ay ku Dadaaleen Dhismaha Community la yiraahdo Guidance of Canadian Somali Youth (Gocsy)
Haa aad ayaanu u qaban qaabinaa tartamo ay ka qeyb galaan caruurta Da’dooda u dhexeysa 5-8 sano jir iyo dhalinyaro under20 ah kuwaasi oo ka qeyb gala tartaamada somaliweek iyo kuwo kale ayaan abaabulnaa ayuu ku jawaabey mar aan weydiiyey in ay soo saaran ciyaartoy tartamo ka qeyb galla.

2boodaaye

Tababare Daahir Bodaye ayaa sheegey in Qaar ka tirsan ciyaartoyda ay soo saareen ay ka mid noqdeen Xulka Qaranka Somaliya isaga oo tusalle u soo qaatey in Tartamadii kala duwanaa ee Isreeb-reebka koobka aduunka 2007 ay somalia la ciyartey Djaboute uu keeney ilaa 4 ciyartoy oo Toronto iyo USA ka keeney ay ka qeyb galeen ciyartasi, sidoo kale kii ku xigey ee Bariga iyo Bartamaha Africa oo Tanzania lagu qabtey,iyo Kii iminka ku soo Idlaadey Kenya ee Bariga iyo Bartamaha oo sidoo kale ay ciyaartoy Keeneen.

Ugu danbeyntii Dahir Boodaye waxaa uu xusey Qaabka lagu hormarin karo Kubadda cagta Dalka waxaana uu hoosta ka Xariiqey in Somalia oo horumar ka gaarta kubadda cagta aysan ahayn wax aad u sahlan oo ay waqti badan u baahantahay, waana in laga soo Bilaabaa qeybta hoose ee Youthka, In tababarayaasha ay soo qaataan Siminaaro,casharo kubadda cagta Iminka laga Ciyaaro Caalamka oo mar kasta ay ku soo kordhaan waxyaabo badan.

Waxaa Wareystey
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

  • Share/Bookmark

About the Author

Sunni Said Salah

Leave a Reply