Xoghayihii hore ee GOS oo hanbalyo u diray Wariye Sunni
ATLANTA, CIYAARO-Xoghayihii hore ee gudiga Olympica Somalia Ali Osman Ali oo haatan ku nool magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka ayaa hanbalyo iyo bogaadin soo gaarsiiyay wariye Sunni Said Salah , taasoo ku aadan horamarka wanaagsan ee uu ka gaaray saxaafada sports.
Xoghayihii hore ee GOS ayaa dhanbaal uu soo gaarsiiyay Xafiiska war qabadka ee Ciyaaro Media wuxuu ku yiri “Walaal Sunni…….ma garan karo erayadda aan hawadda ku soo mari karin lahaa si aan kuugu hambalyeeyo talaabadda wanagsan aad qaaday……ogow dadku waxey ku kala sara maraan aqoonta uu qof kasta uu leeyahay…..markii aad Seminaarka FIFA ka mid noqotay kuwa safka hore uga jira waxaan u arakay iney tahay guul weyn oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Isboortiga ka faalooda….
Hadaba waxaad iga gudoontaa Hambalyo aan la koobi karin…..ogowna aqoonta ma dhamaato taa waxa daliil aan uga dhigayaa Mahmaah ka mid filosofikii qarnigii 18aad (oo u dhashay Talyaani) ayaa wuxuu yiri “SA CHI SA CHE NON SA oo af Somali ahaan la micna ah WAXAA WAX GARANAAYO KII GARANAAYO IN UUSAN WAXBA GARANEYNIN taana waxaa ku sii cadeyneysa Xadiiskii Nabi Maxamed Naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa…AQOONTA RAADIYA LAGA BILAABO MAALINTA AAD DHALATAAN ILLA QABRIGA AAD KA GAARTAAN”….
Marka yaa Sunni waxaad ku taagantahay jid wanagsan ee waxaan ku leeyahay Guuleyso.waxaana kugula talin lahaa in aad dadaasho oo aad wali wax badan sii barato si aad horamar wanaagsna u gaarto
Ali Osman Ali oo ah wadani somaliyeed oo dhiigiisu uu wali si xowli ah ugu shaqeeyo sports ayaa waxey tahay markii 2aad ee uu sidaan oo kale uu hanbalyo soo gaarsiiyo wariye Sunni Said Salah markii uu safka hore ka galay tababarka FIFA ay ugu talagashay wariyayaasha sports qaarada Afrika oo uu ku helay shahaado caalami ah.
Dr. Cali Cusmaan Cali
Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta
Xog. Hore ee GOS















Hambalyo
Sxb Sunni Waaan ku salaamay Salaan kadib Sxb aad baan kugu hambalyeynayaa Shaqada Iyo Dadaalka aad ka gaadhay Saxaafada Sports, Ka sxb Runtii Waxaan ku oran Karaa Waxaad Tahay Wariyaha Kaliya ee Maanta Somalia Safafka Hore Kaga jira, tabinta Barnaamijyada Bulshada Sida Sports, Aad baana ku salamayaa sxb Thanks
Sxb Waan kuu mahadceliniyaa laakiin War bixinada Afsomaali ka dhig dad soomaali ah ayaa webka daalacda mahadsanid
Runtii waa yaab waxaa la arki jiray qof la faansho laakiin nin is faaninaayo sida Suni oo kale ma arkin waa yaab
sxb waan kuugu waa nijn lahaa nin aad iska deysid wax yaalahaan kuuma fiicna intaa tani diirada saari lahayd waxaa kuu fiicana in aad barato diinta waa yo taasi ayaa ku anfacaysa bro waano ku an facaysa ee qaado bro