9 sano kadib Bayer oo caga dhigatay Finalaha Champions league

by Sunni Said Salah | Posted on Wednesday, April 28th, 2010
Readers:1142

Olic iyo Thomas MuellerLYON, France, Ciyaaro? Weeraryahanka xulka Croatia Ivica Olic ayaa 3 gool oo uu ku harqiyay kooxda ay martida u ahaayeen ee Lyon wuxuu Bayern Munich ugu jaray ticket ay ku ciyaari laheyd ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka Champions League markii horeysay laga soo bilaabo 2001.

Bayer oo koobkaan 4 mar horey u qaadatay ayaa waxey Lyon daaqada kaga saartay 4-0 isku celcelis ahaan 2dii lugood oo ay wada ciyaareen iyadoo xalayana ay ciyaarto ka dhacday garoonka de Stade Gerland.

Olic ayaa goolkiisii ugu horeeyay wuxuu dhaliyay daqiiqadii 26aad, goolkii 2aad wuxuu helay daqiiqadii 67aad hayeeshee goolashiisa hat-trick ah wuxuu dhameystirtay 12 daqiiqo oo kaliyaha mar ay ciyaartu ka harsantahay.

Bayern waxey meel u fadhidaa Inter Milan ama Barcelona midi soo badisa , waxey wada ciyaari doonaan 22 ka May ciyaarta ugu danbeysa oo ka dhici doonta garoonka Bernabeu ee magaalada Madrid.

Lyon waxey ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaartoy markii ciyaarta laga saaray difaaceeda khadka dhexe Cris. Qalad uu ka galay Olic ayuu jaalliii 1aad ku qaatay , isla daqiiqadaasi ayuu qaatay jaallihii 2aad ee markii uu si goodis ah ugu sacbiyay garsoore Massimo Busacca kaasoo markii danbe ka saaray ciyaarta gabi ahaantiiba.

Kooxda reer German waxey dooneysaa iney markii 5aad ay qaado koobkaan markii ay mudo 9 sano ah aysan koobkaan dhadhamin

Related posts:

Tags
Displaying 3 Comments
Add Your Comment
  1. Abdikarin says:

    Waxan ka qel shay aniga olic inaba caadi mahan D:)

  2. Jabril says:

    bayer ayaa kukulesaneso ghampios league kan hadii ay timid final

  3. Jabril says:

    olic iyo kuwa bayer waa lacibin waa sida aan horay ushekay jarmal lakuma ado sanadkan

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>