Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo Chelsea heshiis cusub u saxiixay

by Sunni Said Salah | Posted on Wednesday, April 28th, 2010
Readers:1080

wiil soomaaliyeedLONDON, CIYAARO-Cali Afgooye oo kamid ah ciyaartoyda da?doodu ay tahay 13 sano-jirka ee kooxda Chelsea ayaa loo kordhiyay contractigii ama heshiiskii ay kooxdaasi horay ula gashay waalidkiisa. Heshiiska cusub ee Chelsea ay la gashay Mukhtar ayaa ah in heshiiskii hore ee ahaa 5ta sano lagu kordhiyay sanad, kaas oo ka dhagaya heshiiska in 6da sano ee soo socota uu la joogi doona kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Mukhtar Cali afgooye oo ka ciyaara khadka dhexe ee kooxda 13sano jirka ayaa waxaa uu ku biiray kooxda Chesea sanadkii hore , isagoo uga yimid kooxcda Leyton Orean oo iyaduna kamid ah kooxagha sida wayn u tababarata da?yarta kubadda cagta ee mustaqbalka kamid noqnaya ciyaarayahanada.

Cali Afgooye oo ah aabaha wiilkaasi ayaa sheegay in heshiiskan cusub uu yahay mid isaga iyo wiilkiisaba ku abuuraya dhiiri-galin ah in ay muujiyaan dadaal cusub oo ku aadan sidii uu Mukhtar mustaqbalka uu uga mid noqon lahaa ciyaaryahan u safta kooxda caanka ah ee Chelsea.

Afgooye waxaa uu intaas ku daray in uu ku faraxsanyahay in Mukhtar ay ka go?antahay in uu kamid noqdo hogaamiyayaasha kubadda cagta ee caalamka, waxaana dhowaan uu ka qaybgalay ciyaaro ka dhacay Magaaladda Izmir ee dalka Turkiga, waxaa uu ku guulaystay in uu noqdo ciyaaryahankii ugu goolasha qurux badnaa kadibna la gudoonsiiyay Bilad-Sharf.

In badan oo kamid ah Soomaalida ku nool Europe ayaa garwaaqsaday muhimadda ay leedahay in soomaalidu ay ka dhexmuuqdaan Kooxaha caanka ah ee kubadda cagta ee ka jira qaaradda Europe iyadoo dhowaan Ibraahim Cadaay oo noqday wiil soomaali ah oo kazoo dhexmuuqday kooxda weyn ee Manchester City ee dalka Britain.

Wiil kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Abubakar Axmed Shegow ayaa isaguna u ciyaara kooxda Wigan oo kamid ah kooxaha kubadda cagta ee Britain.

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. mohamed says:

    waaw waan kahelay dhalinyaradasoomliyeed alle hadeysto amin

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>