Faahfaahin la xiriirta kulanka caawa ee Barcelona vs Inter
CIYAARO-FC Barcelona waxaa laga doonayaa iney sare y qaado tirada guulaha ay gurigeeda kaga badisay FC Internazionale Milano waa hadii ay dooneyso iney dib u caga dhigato ciyaarta kama danbeysta ah ee tartankaan.
FC Barcelona horey ayeey gurigeeda kaga badisay FC Internazionale Milano isla sanadkaan markii ay isla tartankaan ku wada kulmeen.
? José Mourinho markii isaga iyo kooxdiisa ay booqdeen Nou Camp waxaa loo soo dhiibay 2-0 bishii November ee sanadkaan , sidaasi oo ay tahay Inter waxaa u diiwaangashan in aysan waligeedna ciyaar ay banaanka ku soo ciyaartay heerka semi-final ah aysan soo badin tartanka Europe.
? kooxda horyaalka italy heysata hada wey ka gacan sareysaa kooxda Barca, maadaama ay 3-1 kaga soo badisay markii San Siro lagu soo ciyaaray. Wesley Sneijder, Maicon (48) iyo Diego Milito (61).
? Inter oo koobkaan horey ugu guuleystay 2 mar, ayaa hada waxaa ka go?an iney markii ugu horeysay istaagto ciyaarta kama danbeysta ah ee tartankaan laga soo bilaabo 1972.
Macalin Jose Guardiola iyo kooxdiisa Barcelona, waxey doonayaan iney markii ugu horeysay qaadaan koobkaan 2 mar oo isku xigta, laga soo bilaabo markii sidaasi ay sameysay 20- sano ka hore kooxda AC Milan.
?Macalin-ka Inter Mourinho iyo qaar ka mid ah ciyaartoydiisa oo ay ka mid yihiin Samuel Eto’o, Thiago Motta iyo Ricardo Quaresma waxey dib ugu soo laaban doonaan garoonka Camp Nou oo xilliyo badan ku soo qaateen.
Kulamadii hore
? 2daan kooxood iskuma cusba heerka group stage ayeey isku arkeen. 0-0 ayeey San Siro markii lagu ciyaaray 16 September ku kala tageen , halka markii Barcelona la wada tagay 24 November inter looga adkaaday 2-0.
? Tmarkii ay isku arkeen tartankaan UEFA Champions League wareega 2aad ee group stage 2002/03. Barcelona ayaa 3-0 ku garaacday Inter ciyaartii Camp Nou ka dhacday 18 February 2003. Goolasha waxaa u kala dhaliyay Javier Saviola, Phillip Cocu iyo Patrick Kluivert.
? lugtii 2aad oo Sansiro ka dhacday waxey ku kala tageen gool la?aan , 2da kooxoodna wey soo wada gudbeen, wallow ay Barcelona ay ku soo baxday kaalinta 1aad ee group.
Taariikhda ciyaarahood
? Barcelona 4 ka mid ah 5-tii kulan oo ay ku ciyaartay gurigeeda tartamada yurub wey badisay xilli ciyaareedkaan.
? Barcelona 10 mar oo ay ciyaartay heerka semi-finals waxaa u diiwaangashan 5 guul iyo 5 guuldaro:
? kooxdaan 2 mar ayeey ka adkaatay UEFA Cup Winners’ Cup semi-finals 2 kooxood oo ka socota horyaalka Serie A, waxey kala yihiin Fiorentina 1997 iyo Juventus in 1991.
? marka la isku daro tirada guulaha ay Barcelona ka heysto kooxaha Italy waxey gaarayaan 9 guul, 4 barbardhac iyo 2 guuldaro..
? Barcelona koobkii ugu horeeyay oo ay qaado tartanka European Cup waxey ka qaaday Sampdoria oo ay ku dishay 1-0 1992 ciyaartii finalah aheyd ee ka dhacday Wembley. Hayeeshee waxey 1994 qasaaro xoogan kala kulantay 4-0 ah Milan.
? Inter kooxaha Spainsha waxey ka diiwana gashatay 3 guul, 5 kulan.
? Inter 7 semi-finals oo ay soo ciyaartay tartankaan. Waxey badisay 4 mar halka 3 guuldaro ay ku dhacday:
? 2 mar waxaa heerkaan oo kale kaga badisay Real Madrid, sidoo kale Inter waxey heerkaan oo kale ku reebtay Madrid 2 mar gaar ahaan tartanka UEFA Cup kuwaasoo kala ahaa 1984/85 and 1985/86.
? waxaa u diiwaangashan mid ka mid ah farxadaha inter in ay kamid tahay, in koobkii ugu horeeyay ee tartankaan ay ka qaaday Madrid markii ay kaga adkaatay 3-1 1964 ciyaartii finalaha ee Vienna.
? kooxda martida ah inta mar ay booqatay Spain record wanaagsna kuam lahan: 17 ciyaarood oo ay ku soo ciyaartay waxaa laga soo badiyay 12 mar 3 mar oo kaliyaha ayeey soo badisay halka 2 mar ayeey barbardhac soo gashay.
? Inter sidoo kale record aad u liita ayeey ku leedahay kulamada 2da lug kuwaasoo ay la ciyaarto kooxaha Spain, 9 mar waa laga badiyay , 4 guul oo kaliyaha ayeey gaartay 13 kulan oo ay ciyaartay.
? Inter 3-1 5 mar ayeey ku badisay lugta hore , 4 marna wey ku soo baxday..
? Inter 2 mar ayaa lagu soo reebay gudaha Spain tartankaan UEFA Champions League gaar ahaan wax loo yaqaan away goals ? mar waxaa reebtay Valencia CF 2006/07 wareega 16 mar kalana waxaa reebtay Villarreal CF sanadkii ka sii horeeyay heerka quarter-finals.
Guuldarada Villarreal waxey tahay midi ugu danbeysay ee kooxad magaalada Milan loogu soo reebo tartankaan markii ay lugta 1aad ku soo badisay gurigeeda.
? markii ugu danbeysay ee ay Spain ku soo badiso waxey 5-1 kaga soo adkaatay Valencia 2004/05 heerka group stage..
?Macalin Inter Mourinho record-ka uu ku leeyahay inuu dhaafo UEFA Champions League semi-finals waa mid isku Milan. Wuxuu la dhaafay Porto isagoo garaacay Deportivo La Coruña 2004 laakiin heerkaan wuxuu dhaafin waayay Chelsea mudo 2 sano ah 2005 iyo 2007.
? Mourinho wuxuu maanka ku hayaa sidii uu Inter ugu qaadi lahaa UEFA Champions League 6 sano kadib markii uu la qaaday Porto.waxaa record heysta Ernst Happel oo la kala qaaday (Feyenoord 1970, Hamburg 1983) iyo Ottmar Hitzfeld oo la kala qaaday (Borussia Dortmund 1997, FC Bayern München 2001) oo ah hal macalin oo 2 kooxood oo kala duwan koobkaan u qaaday. Sidoo kale waxaa record kaasi doonaya Louis van Gaal, oo koobkaan la qaaday AFC Ajax 1995.
? Mourinho wuxuu kaaliye iyo turjumaan u soo ahaa marxuumkii reer England Sir Bobby Robson iyo Van Gaal xilligii uu Barcelona joogay gaar ahaan intii u dhaxeysay 1996 iyo 2000.
? isagoo macalin u ah Chelsea Mourinho waxey Barcelona ugu adkaatay 5-4 isku celcelis ahaan 2004/05. sidoo kale 2006/07 waxey isku arkeen heerka group stage, Chelsea waxey kaalinta 1aad kaga soo baxday group markii ay Barça 1-0 ugu adkaatay marna ay barbardhac 2-2 la gashay.
? Guardiola wuxuu Italy ka soo ciyaaray intii u dhaxeysay 2001 iyo 2003, isagoo 24 kulan u soo saftay Serie A gaar ahaan Brescia iyo xilli kale oo uu u soo ciyaaray AS Roma.
? weeraryahanka Inter Diego Milito, oo 30 sano jir ah, wuxuu mar kale ka hor tagi doonaa walaalkiis 29-sano jirka ah Gabriel oo Barcelona u ciyaara. 2da reer Argentin waxey mudo 2 sano ah ka soo wad ciyaareen Real Zaragoza gaar ahaan intii u dhaxeysay 2005 iyo 2007.
? Zlatan Ibrahimovi? 3dii sano ee uu u ciyaarayay Inter, hada wuxuu ka tirsan yahay Barcelona wuxuu u dhaliyay 57 gool 88 kulan oo uu u ciyaaray halka uu 6 gool uu u dhaliyay 22 kulan uu u ciyaaray UEFA Champions League.
? Eto’o 5 sano wuxuu u soo ciyaaray Barcelona laga soo bilaabo 2004. wuxuu u dhaliyay 109 gool 144 kulan oo u ciyaaray,. Tartanka UEFA Champions League waxaa u diiwaangashan 18 gool 43 kulan, wuxuu ahaa dhaliyaha Barcelona goolashii ay ku kala qaadeen koobabkii 2006 and 2009.
? Motta wuxuu u saftay 96 kulan Barcelona intii u dhaxeysay 2002 iyo2007, wuxuu u dhaliyay 6 gool..
? Quaresma wuxuu 2003/04 ka soo ciyaaray Camp Nou, wuxuu u saftay 22 wuxuuna u dhaliyay hal gool.



