Inter oo 38 sano kadib gaartay Finalaha Champions League
BARCELONA, Spain (CIYAARO)?Inter Milan ayaa caga dhigatay ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka horyaalada kooxaha qaarada yurub markii ugu horeysay mudo haatan laga joogo 38 sano.
Inter oo mudo saacad ah qaab difaac ah ku ciyaareysay ayaa waxey ciyaarta ku dhameysatay 10-ciyaartoy markii laga saaray Thiago Motta qeybtii hore ee ciyarta, wallow 1-0 looga adkaaday hadana waxey 3-2 oo ah isku celcelis ahaan ciyaarta 2dii lug ee ay wada ciyaareen.
Inter waxey la ciyaari doontaa Bayern Munich bisha May 22keeda marka ay iskugu tagaan magaalada Madrid ciyaarta kama danbeysta ah.
Kooxda horyaalka talyaaniga ka socota waxaa hogaaminaya Jose Mourinho, wuxuuna u raadinayaa sidii ay ku qaadi laheyd koobkii 3aad ee tartanka kooxaha yurub laga soo bilaabo markii ay qaaday koobkaan 2 sano oo isku xigta oo kala aheyd 1964 and 1965.
Gerard Pique ayaa goolka ay Barca dhalisay u dhaliyay daqiiqadii 84aad, laakiin taasi waxba kama badalin natiijadii ciyaarta oo aheyd in gudaha Italy looga soo adkaaday 3-1 todobaadkii hore.
hadii ay 2-0 inta ku badiso ay ku soo bixi laheyd waxey Barca u ahaan laheyd markii 2aad ooi sku xigta oo ay sidaasi oo kale ku soo baxdo maadaama sanadkii tagay sidaan oo kale ay ku soo baxday.
Inter waxey ceebeysay xalay mar kale mucjisada k/cagta aduunka isla markaan ah xiddiga aduunka ee FIFA Lionel Messi iyadoo ay garoonka soo camireen taageerayaasha Barca oo gaarayay 100,000 garoonka Camp Nou.
Inter waxey heysataa fursad ay 3 koob sanadkaan ku qaadi karto oo ah taariikh cusub oo ay yeelan doonto. Sabatoo ah horyaalkeeda waxey ku hogaamindeysaa 2 dhibcood iyadoo 3 kulan ay u harsan yihiin waxey Roma la ciyaari doonta finalaha koobka Italian Cup final bisha May 5teeda.




Jose mourinho adunka wuxu tusay inu yahay macalinka ugu wanagsan viva mourinho viva nerrazuhri
Mourenho waa macali xaga difaca yaqan ookaliya lakin maxad kadhefesaa difacyada bayer way dhiranbadan yihin iyo kuwa werarka ghambions league waxaleh sanadkan bayer wayo inter waxay kubadisay kurikeda bayer hom and away way kubadisay maiskumidbaa?