Bayern oo ku faraxsan ciyaarta Inter
MUNICH (CIYAARO)?Ciyaartoyda kooxda Bayern Munich ayaa waxey aad ugu faraxsan yihiin ciyaarta ay la ciyaari doonaan Inter Milan ciyaarta kama danbeysta ah ee Champions League.
Inter ayaa soo gaartay kama danbeysta markii ugu horeysay mudo 38 snao ah wallow laga 1-0 ah ay kala hoyaday Barcelona arbacadii , waxeyna ku so baxday 3-2 isku celcelis ahaan goolashii la kala dhaliyay taasoo u sahashay iney isku diyaariso ciyaarta kama danbeysta ah ee May 22keeda lagu ciyaari doono magaalada Madrid.
?wax aan fileynay ayeey aheyd in aan Inter la ciyaarno,?xiddida khadka dhexe Bastian Schweinsteiger ayaa sidaasi laga soo xigtay.
Bayern waxey dooneysaa iney sanadkaan 3 koob isku qaadato waa hadii ay u suuragashao. Waxey hogaanka u heysaa Bundesliga isla markaana waxey joogtaa ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka German Cup.
Philipp Lahm oo difaaca kooxda ugu ciyaara ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Inter oo aysan aheyn waxey la ciyaarayaan Barcelona.
?Inter waa koox nagu awood ah xoogaa,? Lahm ayaa yiri. ?
Van Gaal wuxuu sheegay inuu markii horaba uu sii filayay iney soo baxeyso Inter intii aysan soo bixin natiijada ciyaarta semifinal.
?Inter uma weerar badana sida Barcelona oo kale.?
Van Gaal ayaa sheegay inuu sugaayo inuu la kulmo saaxiibkiisa Jose Mourinho, macalinka Inter xilli ayuu wuxuu u ahaa turjumaan macalinka reer Dutch markii ay Barcelona wada joogeen.
Difaaca Bayern Diego Contento, oo asal ahaan ka soo jeeda Italy ayaa yiri ?Inter aad ayeey u daciif tahay marka loo eego Barcelona.?
Arjen Robben ayaa sheegay inuu sugayo iney dib isku arkaan saaxiibkiisa ay xulka Netherlands u wada ciyaaraan ee Wesley Sneijder.
?labadooduba waxey isku mar ka soo tageen Real Madrid,?.




Waaba qaday kobka bayar waxan uleyahay wayqaday bayer kobka wayo mucjiso ayey dhigtay iyo ciyaryahanada olic rebery and robin wahwah waa mucjiso mase waa shaqo?
22 may inter way
farxi doomta B.M WAY ADAG TAHAY BALSEI INTER WAY U OOMAN TAHAY KOBKAN
horiyal ka jarmalka way kuku lesatay bayer inter na wali rafad ayey kujirtaa marka maxey kafikirta sire a tly or ghambions league aqayarey?
kkkkkkk wax indhihiina kaqarsana maaheen iney Barca gurigeeda ku quusatey goolkeedii piquena waxba u tari waayey ileen waa caqli marhore laga soo shaqeeyey difaaca adag iyo weererka kadiska ahba ujeedada kama danbeysta ah marwaliba waa goolka iy natiijada ugu danbeysa…. sax bayern munchen waa koox dhisan ilaa iyo xad ROBBIN ayaana kadhaqaqaya hada iyo xidiga reer turkiya xamiid altintop lakin ilama aha niman barca quusiyey iney u daahayaan raga luis fangaal