Brazil oo diiday lacago abaalmarin ah
JOHANNESBURG (CIYAARO)?Xulka Brazil ayaa ku adkeystay in aysan dooneyn lacagaha ay balan qaaday dowlada dalkaasi ee ah in hadii ay ku guuleystaan koobka aduunka ay helayaan.
Mar waliba oo ay koobka aduunka ka qeybgalayaan xulka Brazil waxaa loogu yaboohi jiray lacago abaalmarino ah in ay heli doonaa hadii ay qaadaan koobka, laakiin ciyaartoyda iyo macalinka dalkaasi waxey diideen haatan lacagtaasi yabooha ah.
?arrintaa qibrada badan ayaan u leeyahay,? Dunga ayaa yiri. ?wax waliba waa in lagu heshiisaa marka la gaaro. Laakiin hadii aad marka hore saxiixdo dhibaato badan ayeey keeneysaa.?
Dunga wuxuu sheegay in dhibaato badan ay leedahay lacago la balan qaado. Sanadkii 1990 koobkii aduunka ee lagu qabtay Italy, wuxuu ka mi ahaa dhowr ciyaartoy oo ka cabanayay lacago la balan qaaday oo ku murmayay wey yartahay iyo wey badan tahay.
Gudoomiyaha xiriirka k/cagta Brazilian Ricardo Teixeira, wuxuu xasuusiyay ciyaartoyda iney jirto lacago abaalmarino ah oo ciyaartoyda ay ugu yaboohayaan iyo qeybaha kale ee uu wafdigu ka kooban yahay, isagoo yiri waxey lacagahaasi lagu bixin doonaa guula ay gaaraan oo kaliyaha.
Waxaa loo sheegay in ciyaaryahan waliba uu leeyahay oo uu heli doono inta u dhaxeysa $250,000 ilaa $300,000 oo cash ah.
Laakiin qaar badan oo xulka ciyaartoydiis ah maba u baahna lacagtaasi maxaa yeelay waxey ku jiraan heshiisyo malaayin doolar ay ku kaceyso oo ay kula jiraan kooxaha qaarada yurub.
Brazil waxey dooneysaa iney qaadato koobkii 6aad ee aduun. Iyadoo uu ku jiro group aad u adag oo ah Group G, oo ay ku wehliyaan North Korea, Ivory Coast iyo Portugal..



