Domenech oo jabiyay record-kii Hidalgo

by Sunni Said Salah | Posted on Sunday, May 30th, 2010
Readers:557

PARIS (CIYAARO)?Macalinka France Raymond Domenech ayaa gaaray record ?KII macalinkii xulkaasi Michel Hidalgo kadib markii uu ciyaaray kulankii 75aad

Domenech wuxuu xilka uu hayo ka qaatay Jacques Santini oo xilkaasi ka tagay  2004, xilligii ugu wanaagsanaa wuxuu ahaa markii uu 4 sano ka hore xulkaasi geeyay koobkii aduunka ciyaartiisii kama danbeysta aheyd?halkaasoo France qasaaro rigoorayaal ah ay kala kulantay Italy oo koobkii qaadatay.

2 sano kadib, Domenech wuxuu u muuqday in xilkaasi laga raacdeynayo markii France ay ka soo hareen Euro 2008 iyagoo aan hal mar ah badin.

Domenech wuxuu ka nixiyay oo uu niyad jabiyay taageerayaasha French markii uu uu gabadha saaxiibtiis ah ka codsaday iney iney guursato xilli uu si toos ugu jiray barnaamij ka baxayay television dalkaasi laga leeyahay markii kulankii ugu danbeeyay laga soo adkaaday ee tartankaasi. Laakiin maalin kadib ayuu raali galin ka bixiyay qaladkaasi ka dhacay.

?wuxuu yiri waxaan lahaa hal qorshe, kaasoo ahaa in aan guursado Estelle (Denis),? Domenech wuxuu sidaa ka sheegay isagoo si toos ah u fadhiya television markii 2-0 qasaaro ah ay ka soo qaateen Italy. ?sidaa dartee maantay ayaan weydiisanayaa iyada arrinkaasi.?

Saxaafada French ayaa waxey bilaabeen iney canbaareeyaan macalinak, iyagoo ku qasbay Domenech inuu raali galin ka bixiyo dhacdadaasi.

?I cafiya , biniaadan ayaan ahay, qalad ayaab galay, waxaan rabaa in aan dadka u sheego in aan jeclahay iyada , dadkeygana aan jeclahay,? Domenech ayaa sidaa yiri isagoo raali galin bixinaya. ?,aad ayaan ugu xumahay wixii dhacay  ayuu ku daray.?

Ninka uu gaaray record kiisa waa 77-sano jir waxaa la yirah Hidalgo wuxuu xulkiisa macalin u ahaa mudo 8 sano laga soo bilaabo 1976-illaa 84, wuxuu si la yaab leh looga soo reebay semifinalihii koobk aduunka??waxaana ku reebay West Germany?82 markii looda adkaaday 3-1.

Hidalgo intaa kuma quusan wuxuu France gacanta ka saaray koobkii ugu horeeyay ee qaarada yurub markii ay Spain 2-0 kaga adkaadeen.

Hidalgo wuxuu intii uu xulkaasi gacanta ku hayay ii badiyay 41, 16 bareejo ah iyo 18 oo laga badiyay.

Domenech oo 58-sano jir ah wuxuu badiyay 41 kulan, 22 mar bareejo ayuu galay 11 marna waa laga badiyay.

Laakiin xulkii uu watay Hidalgo wuxuuu ahaa mid goolashiisu ay badan yihiin marka loo fiiriyo Domenech?s?139 gool ayuu dhaliyay halka macalinka haatana uu xulkiisa dhaliyay 108 gool ?laakiin Domenech? wuxuu ku fiican yahay difaaca goolasha laga dhaliyay aadayeey ugu yar yihii marka loo eego ninka uu record-kiisa uu jabiyay waxaa laga dhaliyay 49 gool halka Hidalgo? laga dhaliyay 72 gool.

Ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>