FIFA baaritaan ku sameyneysa hadalka Triesman
ZURICH (CIYAARO)?FIFA ayaa ka codsatay gudiga anshaxa ee ay leedahay in ay baaritaan ku sameeyaan hadaladii ka soo yeeray gudoomiyihii hore ee xiriirka England ee FA David Triesman kaasoo sheegay in Spain ay dooneyso iney laaluushto garsoorayaasha koobka aduunka.
Triesman ayaa is casilay axadii markii la soo daabacay hadalo sir ah oo uu mar dhexdaasi ah sheegay, iyadoo hadaladiisa sirta ah lagu faafiyay jaraa?idka loo yaqan tabloid newspaper , wuxuu sheegay in Russia ay ka caawin doonto Spain sidii ay u laaluushi laheyd garsoorayasha koobka aduunka , iyadoo 2daasi dal ay yihiin kuwo England kula hardamaya qabashada tartamada koobka aduunka ee 2018 iyo 2022.
?Xoghayaha FIFA Jerome Valcke ayaa ka codsaday gudiga FIFA u qaabilsan anshaxa in ay baaritaan ku sameeyaan hadaladaasi eed ah ee ka soo yeeray Lord Triesman kuwaasoo la xariira qabshada 2018 iyo 2022 ee FIFA World Cups,? sidaa waxaa lagu yiri hadal ka soo yeeray FIFA.
?waxaa intaasi lagu daray, in FIFA ay waraaq u dirtay FA iyadoo weydiisatay FA in ay keenaan cadeyn ku saabsan warkaasi,. FIFA wax hadal ah kama dhihi doonto arrintaasi iyadoo ka war sugi doonta gudiga anshaxa ee FIFA.?
Baaritaankaasi wuxuu dhib ku yahay England dadaalka ay ku dooneyso iney qabato koobka aduunka markii ugu horeysay laga soo bilaabo 1966.
Wargeyska The Mail on Sunday ayaa qortay in 66-sano jirkaasi uu 2 todobaad ka hore si sir ah ula hadalay Melissa Jacobs, oo golaha wasiirada England ka mid ahaan jiray, hadalkaasi oo si sir ah lo duubay lama daabacin laakiin waxaa lagu soo beegay 2 maalin kadib markii ay England FIFA u gudbisay book ay ku qoran yihiin musharaxnimadeeda.
Xilkii uu ka tagay Triesman waxaa loo dhiibayaa Geoff Thompson?oo ah guddoomiye ku xigeenka FIFA iyo UEFA?.
Russia waxey sheegtay in ay waraaq raali galin ah ka sugeyso FA.
Spain iyada oo ku lamaanan Portugal waxey dooneysaa iney qabato mid ka mid ah tartamada koobka aduunka ee 2018 iyo 2022, Belgium iyo Netherlands oo lamaano ahna sidaasi oo kale ay u doonayaan, halka England iyo Russia ay si gooni gooni ah u kala tartamayaan. Australia iyo the United States ayaa sidoo kale tartanka ku jira, Japan, Qatar iyo South Korea ayaa waxey si gooni ah u doonayaan qabashada 2022 marki ay aamineen in qaaradda yurub la siin doono 2018.
ciyaaro@gmail.com
www.ciyaaro.com



