Kaka iyo Julio Cesar oo ciyaarta golf bilaabay
JOHANNESBURG (CIYAARO)?Xiddigaha reer Brazil ee Kaka iyo Julio Cesar waxey heleen fursad ay ku ciyaaraan ciyaarta golf-ka iyagoo ku ciyaara meel ku dhow hotel-ka ay dagan yihiin.
Ciyaartoyda Brazil ee koobka aduunka ka qeybgalay waxey tababar buuxa qaataan subaxdii, laakiin galabtii oo ciyaartoyda loo ogol yahay in ay nastaan ayaa 2daan ciyaartoy ay ka tagaan hotelka iyagoo aada ciyaarta golf-ka , iyagoo bilaabay ciyaartaan tan iyo markii ay dalka South Africa yimaadeen maalintii khamiista aheyd.
Kaka iyo Cesar ayaa waxey ciyaarta golf ku ciyaaraan gob barxad ah oo ku taala gadaasha danbe ee hotelka ay dagan yihiin oo ah kuwo lagu sheego five-star hotel kaasoo ku yaala magaalada Randburg.
Julio Baptista, iyo qaar kale oo ka tirsan ciyaartoyda xulkaasi oo aad u yar ayaa ayaa u daawasho taga halka golf lagu ciyaaro.
Ciyaarta Golf ma ahan mid laga ciyaaro oo can ka ah gudaha dalka Brazil, hayeeshee ciyaartoydaan ayaa waxey barteen markii ay bilaabeen iney ka xamaashaan qaarada Europe.
Ronaldo oo ka mid ah ciyaarrtoyda ugu caansan ee soo maray k/cagta Brazil ayaa sidoo kale ciyaara ciyaaraan, wuxuuna aad ugu ciyaari jiray markii uu ka qeybgalayay koobkii aduunka ee 2006 Germany lagu qabtay.
Hayeeshee ilaa iyo hada lama oga in macalin Dunga uu ciyaartoyda u ogolaan doono iney aadaan meesha ay rabaan xilli ay nasiinad leeyihiin, wolow xiriirka Brazil uu sheegay in qaar ka mid ah loo ogol yahay in ay aadaan wax loo yaqaan shopping mall oo suuqayada waaweyn ee laga adeegto. Halka inta badan ay nasiino ku xukuman yihiin.
Brazil kulankeeda horeeya waxey la ciyaari doontaa North Korea bisha June 15 keeda halka 20- June ay la ciyaari doonto Ivory Coast kulanka ugu danbeeya waxey wajihi doontaa Portugal June 25 waxeyna ku wada jiraan Group G.



