Macalin fara yare oo laga xayuubiyay jagadii xulka 17 sano jirada

by Sunni Said Salah | Posted on Thursday, May 27th, 2010
Readers:485

NAIROBI, CIYAARO-Macalin Mohamed C/dulle fara yare oo ahaa macalinkii xulkii sanadkaan guulaha la yaabka leh gaarsiiyay xulka 17 sano jirada ee Soomaaliya ayaa xilkaasi laga xayuubiyay.

Macalin fara yare oo maantay la hadlay Idaacadda Bar-kulan ayaa sheegay inuusan garaneyn sababta xilkaasi looga qaaday isagoo sheegay in loo dhiibay xilka macalinimo ee xulka 21- sano jirada qaranka soomaaliya.

Macalain fara yare  ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu aad ugu xumaaday in xilkaasi laga qaado , su?aashuse waxey tahay yaa xilkaasi loo dhiibay oo macalin u noqonaya Macalinka xulka 17 sano jirka..?

Wareysiga macalin fara yare uu siiyay Idaacada bar-kulan oo dhinacyo badan taabanaya waxaad isagoo dhameys tiran ka dhageysan kartaa Bogaan qeybtiisa hoose.

Wareysi Macalin fara yare

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags
Displaying 5 Comments
Add Your Comment
  1. qadar says:

    macalinka guulaha badan gaaray inlaga qaado waa aqool xumo waa macalimka ugu horee yay oogaaray guulaha ugu badan

  2. qadar says:

    waxa taageer sanahay espain and england

  3. Somali Football Media Department says:

    Kabtankii hore ee Qaranka oo macalinka U 17-ka loo magacaabay

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa kabtankii hore ee xulka qaranka Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) u magacaabay macalinka kooxda ka yar 17-ka sanadood

    Kabtankii hore Yuu Cali ayaa ka mid ahaa 30 macalin oo da?yar oo bishii Augsut ee sanadkii hore tababar caalami ah oo heer sare ah FIFA ugu qabatay dalka Jabuuti.

    Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa u hambalyeeyay macalinka da?da yar wuxuuna ku booriyay in uu dadaalkiisa sii laba jibaaro madaama uu masuuliyad culus oo qaran xambaaray.

    Somali Football Media Department

  4. aweys jaajumoow says:

    hadal iyo war xumo hadey wax tareyso Suni iyo Zaciimka hala dhigo macalimiinta saxufiyinta aan mihnad aqoneed lahayn, maxaa yeelay wey u qalmaan ileyn meel ay wax ka barteen lama yaqane kaliya waa ardaydii wiilka is cajabiyay ee aahir Alasow

  5. Waxam aminsanahay malin fara yare in u yahay qofka kaliya ugu habon under17ka somalia inkasto you cali u yahay hogameyahi hore xulka qaran somalia hadane wali waxan dhahi kara wax ba udhiman wuna garayaa

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>