Noloshii Macalin Shiikhaalow oo kooban

by Sunni Said Salah | Posted on Saturday, May 29th, 2010
Readers:867

MUQDISHO, CIYAARO-Shiikhaaloow waxaa uu ku dhashey degmada shibis 1955, waxaana waxbarashadiisa dugsiga ku dhameystay scolla shibis. Ciyaarta kubada cagta uu ku soo caan baxay isla degmadii u ku dhashay ee shibis ayuu ku bilaabay isaga oo u qaadey koobab badan. Sanadihii todobaatameyadii ayuu u saftay gobolka banaadir. Halkaasi oo lagu arkay xirfadiisa k. Cagta.

Kooxda dowlada hoose “muqdisho”ayuu ku biirey isaga oo mucjiso ka dhigay tartamo badan oo ay ka qeybgaleen, waxaana uu kula guuleystay koobab badan sida jeneraal daa’uud iyo kuwo munaasabado ah. Halkaasi waxa uu ku yeeshay boqolaal kun taageerayaal ah oo markii danbe laacibka ula baxay naaneysta ah “Shiikhaallow iyo Shabaqa”

Ka dib bur-burkii dowladii dhexe ixo jahawareerkii ka dhacay dalka waxaa uu u qaxay dalka Yemen oo isaga iyo qoyskiisu ay u carareen.
Dalka ayuu dib ugu soo laabtay macalinka kaligii markii uu sheegay in dal uu ku doorsanayo aysan jirin somalia, waxaana uu dib u bilaabay inuu soo saaro ciyaartoy da’yar maadaama mihnadiisa ay tahay kubadda cagta, waxaa uu mar nasiib u helay in loo dhiibo xul qaran oo wadamada carabta ciyaaro u tagay, waxaan sidoo kale tababare u noqday ciyaartoyda gobolka hiiraan, sidoo kale waxaa uu leyliyay kooxaha Kasco, Feynuus. Shaamow fc iyo kooxda heerka koowaad ee Dekedaha oo 2007dii ilaa iminka uu heshiis kula jiray.

Allaha u naxariisto shiiqaalow waxaa lagu aasey degmada wadajir ee gobolka banaadir isaga oo ifkaga kaga tagey hal xaas oo uur leh , iyo 9 caruur ah oo dalka Yemen ku sugan.

Tacsi waxaa u diraya dhamaan bahda sportiga dalka, masuliyiinta x.s.k.cagta, madaxda kooxda dekedaha, feynuus. Fc camell. Bariga dhexe. Gesco. Banaadir telecom. Elman. Iyo bahda saxaafadda sportiga dalka. Innaa-lillaah wa-innaa ileyhi raajicuun.

C/xafiid zaciimka
zaciimka02@hotmail.com

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. Kaatibi says:

    Allaha unaxariisto shiiqaalow waa halyay aan la hilmaami doonin

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>