ABIDJAN, Ivory Coast (CIYAARO)?taageerayaal 100 gaaraya ayaa si waqti nasiib ah ku helay ticket lacag la?aan ah oo ay kaga qeybgalaan koobka aduunka iyagoo taageerayaal u ah xulka Ivory Coast , xitaa nasiibka ay heleen waxaa ka mid ah waxaa la bixiyay wax waliba oo ku baxay oo hoteladii ay jiifan lahaayeen cuntadii ay cuni lahaayeen iyo ticket ay wadankaasi ku tagi lahaayeen.
Ururka ay leeyihiin taageerayaasha xulka ivory coast iyo ururka ay leeyihiin taageerayaasha kooxaha dalkaasi, ayaa waxey sameeyeen barnaamij qori tuur ah oo qof waliba uu nasiibkiisa ku tijaabinayay, kaasoo ay ku soo xuleen 100 taageere oo koobka aduunka ka qeybgalay.
?ticket ay ku raacayaan diyaarada , hotel-kii ay jiifan lahaayeen, cuntadii ay cuni lahaayeen waa la bixiyayof,? sidaa waxaa sheegay sarkaalka xulka maroodiyada u qaabilsan saxaafada oo la yiraah Kassoum Diakite. ?wax kaliyaha ee ay dadkaan u baahan yihiin waa in ay heystaan passport iyo vaccination card.?
Taagerayaasha sida nasiibka ah ku helay ticket waxey ka mid noqon doonaa wafdiga rasmiga ah ee dalkaasi uu leeyahay oo gaaraya 500 oo qofood kuwaasoo aadi doona South Africa, iyadoo ciyaarta ugu horeysa la ciyaari doona Portugal June 15 in Port Elizabeth.
Safarkaan waxaa sidoo kale ku jira tickets lagu gali lahaa dhamaan ciyaaraha ay xulkaasi ciyaarayaan, oo ay ku jiraan Brazil iyo North Korea.
Taageerayaasha waxaa loo qeybin doonaa fanaanado orange ah, jaakado iyo koofiyo ay ku xardhan yihiin midabka calanka dalkaasi.



