Wareysi uu Mahad Tagow la yeeshay (Shiikhaaloow) intii uusan dhiman

by Sunni Said Salah | Posted on Monday, May 31st, 2010
Readers:909

NAIROBI, CIYAARO- Halkaan waxaan idin kugu soo gudbinayaa wareysi uu intii uu noolaa uu macalin Mahamed Xuseen Cali shiikhaalow siiyay wariye mahad Ahmed tagow oo xilligaa uu ku soo daabacay website Kubadda, wareysigii uu xilligaa siiyay Shiikhaalow allah u naxariistee wuxuu dhacay sidaan.

Kubadda: shiiqaaloow  cayaaraha goormee ayaad bilaawday?

Shiiqaaloow: cayaaraha waxaan bilaabey sanadii 1972 anigoo u cayaaray xulka degmada shibis  waxaana ku guuleysanay sanadkas koobkii degmooyinka gobalka banaadir oo aan ka qaadnay degmada xamarweyne isla sanadkaas waxaan u saftay xulka gobalka banaadir waxaana imaanay cayaarta kama danbeynta waxaana koobkii naga qaaday xulka gobalka Jubada Hoose

Kubadda:  Goormee ayaad ku biirtay naadiyadii dalka ka jiri jiray ?

Shiiqaaloow: Naadiyadii dalka waxaan ku biiray sanadii 1973 waxaana ku  biiray naadigii D/hoose minashibiyo  anigoo garoon u galin ayaa waxa la ii maga caabay xulka qaranka waxaana aadnay tartanka jaamacadda carabta oo lagu qabanaayay xiligaas dalka masar.

K ubadda: Intii aad u cayaareysay naadiga D/hoose imisa koob ayaad kula guuleysatay?

Shiiqaaloow: Intii aan u cayaarayay naadiga D/hoose waxaan kula guuleestay 1975  -1976 oo aan ku guuleeysanay horyaalkii dalka iyo anigoo ku guuleystay iskoorkii gool dhalinta,  1984 waxan  ku guuleysanay koobkii Jenaraal Daa?uud, 1985-1986 waxaan ku guuleysanay haryaalkii dalka, gool dhalinta sanadkaas aniga ayaa ku guuleystay

K ubadda: Cayaartaadii kuugu farxadda badneyed ma noo sheegi kartaa?

Shiiqaaloow: Cayaartii iigu farxadda badneyd waxey aheyd sanadkii 1978-1979 Ciyaar ka tirsan horyaalka oo aan la yeelanay naadiga Jeenyo laba gool ayay nooga hormartey, gudoomiyaheenii iyo dhamaan taageerayaashii kooxdeena waxay ku baxeen in na laga badiyay nasiib wanaag daqiiqadihii ugu danbeeyay ayaan helnay laba gool oo deg deg ah ciyaartiina waxay ku dhamaatey bar bardhac 2-2 .

K ubadda: Ma ii sheegi kartaa ciyaartii kuugu murugada badnayd mudadii aad ciyaaraha ku soo dhex jirtey?

Shiiqaaloow: Ciyaartii iigu murugada badnayd waxay ahayd Sanadkii 1972 Ciyaarihii Gobolada, waxayna ahayd ciyaar final ah waxaa  isku soo harey Gobolka banaadir iyo Gobolka Jubadda Hoose, Nasiib daro shil mooto ayaan galay waxaan ka jabey gacan anigoo dhaawac ah ayaan galbtaas ciyaarey waana nalaga badiyay oo koobkii waxaa qaatey Gobolka Jubadda Hoose.

Kubadda: Wax ma nooga sheegi kartaa safarada dibadda aad ku tagtey adigoo matalaya qaran iyo naadi labadaba ?

Shiiqaaloow: Waxaan ka xasuustaa anigoo qaran ah iyo anigoo naadi la socdo wadamada aan tagay Masar, Suudaan, Kenya, Burundi, Najeeriya,  Malaawi iyo Zan zibaar

K ubadda: Mudadii aad ku soo dhex jirtey Isboortiga ma jiraan wax xilal ah oo soo qabatey ?

Shiiqaaloow: Xilkii iigu horeeyay ee isboorti ee aan qabto wuxuu ahaa sanadkii 1988 anigoo macalin u noqdey ciyaartoydii mataleysay Naadiga Muqdisho ee u ambaxaysey dalka sacuudiga, ka dib burburkii markuu dhacay waxaan noqday macalin waxaana soo leyliyay kooxo fara badan dalka iyo dibaddaba hadii aan ku hormaro dibada waxaan macalin u noqday koox la oran jiray Tadaamun oo ka dhisneyd gobalka la yiraahdo Cataq oo ka tirsan dalka Yaman, kooxdaas waxey ka mid aheyd kooxaha heerka 2 aad ee dalkaas, waxaan u soo dalacsiiyay heerka 1-aad, ka dib waxaan dib ugu soo laabtay dalka sanadkii 1997 waxaana bilaabay in aan tababar siiyo kooxo badan oo ka dhisnaa dalka, sanadkii 1997-999 waxaan macalin u ahaa kooxda la yiraahdo Kesko, sanadkii 1999-2000 waxaan macalin u ahaa koox la yiraahdo Gasko, sanadkii  2000?2001 waxaan waday koox la dhaho Gaheyr, sanadkii 2001?2003 waxaan waday koox la dhaho Dahabshiil.

K ubadda: Marka aad is bar bar dhigto cayaartooydii hore iyo kuwa xiligan jira maxaa farqi ah oo u dhaxeeyo ayaad is leedahay?

Shiiqaaloow: wax badan ayaa u dhaxeeyo ugu horeyn fiisikaalkii horev iyo kan hadda isku mid ma ahan waayo waxaad arkeysaa hadda cayaartooy aanan u qalmin heerka 3aad oo la dhahayo waa qaran  waqtigii hore waxaa la soo mari jiray degmo barbarian heerka sadaxaa heerka labaad ka dib ayaa loo soo gudbi jiray heerka koowaad illa iyo heer qaran

Dhaqaale ma lahan dalka haatan cayaaryahankana ma heysto dhaqaale ku filan.

K ubadda: Ugu danbeyn maxaad u soo jeedin lahayd Ciyaartoyda da?da yar ee xiliyadan dambe soo baxay ?

Shiiqaaloow: Aniga Shiikhaaloow ahaan waxaan talo u soo jeedin lahaa dhamaan ciyaartoyda da?da yar ama dalka gudihiisa ha joogo ama dibadiisaba ee jecel Mustaqblka in uu noqdo ciyaartoy waayo arag ah in uu marka hore iska dhiso xaga fiisikalka uuna sameeyaa tababar joogto ah uuna qaato awaamiirta ama casharada uu bixinaayo macalinka markaas hormuudka u ah naadiga uu ka tirsan yahay, hadii taas la waayo waxaan ogahay inuusan ciyaartoygaas gaareyn heerkii uu rabey ama laga rabey, waxaan halkan mahaad aan la soo koobi karin uga jeedinayaa websitka kubadda sida hagar la?aanta ah ee uu waqtigiisa u hurayo inuu bulshada u soo bandhigo taariikhihii hore ee isboorti iyo kuwa manta.

Max?ed Xuseen Cali oo bahweynta isboortiga ay u yaqaaniin Shiikhaaloow wuxuu ku dhashay Degmada shibis ee gobolka banaadrir sanadkii 1958, waxbarashadiisa dugsiga sare iyo dhexe wuxuu ku dhamaystay isla degmada shibis, shiikhaaloow wuxuu ciyaaraha ku so biirey sanadkii 1972 isagoo u ciyaaraya xulka degmada shibis, isla sanadkaas ayaa loo qaatey xulka gobolka banaadir iyo Xulka qaranka Soomaaliya, shiikhaaloow wuxuu ahaa ciyaartoy aad ugu wanaagsan xaga weerarka ama gool dhalinta wuxuuna taas ku muteystay inuu soo jiito dhamaan bahweynta isboortiga jecel, shiikhaaloow wuxuu aad u jeclaa marka uu garoonka ku jiro in ay garbihiisa buuxiyaan Ciyaartoyda kala ah C/laahi cabdi (dheemanka), Looloow, Binshaakir, Kuluu iyo Cumar Calasoow, shiikhaaloow wuxuu aad u necbaa marka uu garoonka ku jiro in ay ka hor yimaadaan difaacyada Iskoot, Sfariif Xamza, Shaash iyo Qaloocow, Shiikhaaloow wuxuu hadeer ku nool yahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis waa xaasle wuxuu leeyahay caruur fara badan

Mahad Axmed tagoow
mahadtagoow@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>