Xulka US oo gaaray South Africa
JOHANNESBURG (CIYAARO)?Xulka k/cagta ee U.S. ee ka qeybgalay koobka aduunka ayaa gaaray magaalada Johannesburg kadib markii ay hawada ku soo scodaan 17-saacadood oo diyaarada ah.
Markii diyaaradii waday xulkaasi ay soo caga dhigatay garoonka O.R. Tambo airport, ayaa macalin Bob Bradley ayaa wuxuu sheegay in kulanka furitaanka ee ay la ciyaarayaan England uu yahay fursad ay ku muujinayaan awoodooda.
Bradley wuxuu yiri ?dareenka ugu weyn waa kulanka aan la ciyaari doono England,? isagoo kulanka June 12 ugu yeeray inuu yahay fursad weyn.?
Xulka mareykanka ee yimid South Africa, waxey salaam ka qaateen ciidamada qalabka sida ee mareykana ooo diyaaradaasi ku wareegsanaa oo kaga sii horeeyay meesha iyadoo garoonka uu ka jiray dareen xoogan ah sida amaanka loo xoojiyay.



