Brazil iyo Portugal oo soo wada baxay

by Sunni Said Salah | Posted on Friday, June 25th, 2010
Readers:276

DURBAN, South Africa (CIYAARO)?Brazil iyo Portugal ayaa wax gool ah iska dhalin waayay, taasina waxey keentay in Brazil ay kaalinta 1aad kaga soo baxdo Group G markii 0-0 ay ku kala baxeen Portugal oo iyana kaalinta 2aad kaga soo baxday group-kaasi.

2da kooxoodba waxey heleen fursado wanaagsan oo ay goolal iskaga dhalin kareen laakiin wey noqon weysay.

Brazil waxey group-keeda kaga soo baxday 7 dhibcood, waxeyna 2 dhibcood ka sara martay Portugal oo 5 dhibcood aruursatay .

Xulka 5 mar heysta koobka aduunka ee Brazil wuxuu la ciyaari doonaa w 16-ka xulka kaalinta 2aad kaga soo baxa Group H maalinta isniinta ah ayeey ku wada ciyaari doonaa Johannesburg. Halka  Portugal ay la ciyaari doonto xulka kaalinta 1aad kaga soo baxa Group H maalinta talaada ah oo ku wada ciyaari doonaan Cape Town.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>