Brazil oo 3-0 ku ciribtirtay Chile
JOHANNESBURG (CIYAARO)? Brazil ayaa dalka ay isku qaarada ka soo wada jeedaan ee Chile waxey u saarisay 3-0 sidaana ay ku soo gaartay wareega quarterfinal-ka . natiijadaasi waxey xulka 5 mar heysta koobka aduunka qoorta u galisay Netherlands, oo ay jimacaha soo socoda wada ciyaari doonaan.
Brazil waxey si joogto ah u soo gaareysay wareega quarterfinal-ka koobka aduunka laga soo bilaabo 1990 koobkii Italy lagu qabtay.
Chile mudo ku dhow 10 sano kama adkaan Brazil.
Juan ayaa goolkii ugu horeeyay xulkiisa u dhaliyay daqiiqadii 35aad , Luis Fabiano ayaa ku daray daqiiqadii 38aad.
Robinho ayaa kan 3aad raaciyay kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee koobka daqiiqadii 59aad. Wuxuuna Robinho? goolkaasi u ahaa kiisii 7aad ee uu ka dhaliyo Chile 6dii kulan ee ugu danbeysay.
Chile waxey noqotay xulkii ugu horeeyay ee qaarada South American ka socoda ee tartanka laga cirib tiro. Laakiin wali waxaa sii wata ka qeybgalkooda Brazil, Argentina iyo Uruguay, halka Paraguay ay beri la ciyaari doonto Japan.
ciyaaro@gmail.com
