Ciyaarihii Somali Week Minnesota oo la Furay

by Sunni Said Salah | Posted on Saturday, June 26th, 2010
Readers:974

MINNESOTA, CIYAARO-Tartamadii ciyaareed ee kubadda cagta iyo kubadda Koleyga ee loogu talo galay  toddobaadka Soomaalida iyo Maraykanka ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubadda cagta James Griffin Staduium ee Saint Paul, Minnesota, maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 06/25/2010.

Ciyaarahaasi oo aalaaba ay soo qabanqaabiyaan ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota  ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SYDOM), ayaa loogu magac daray Somali/ American  Independence days tournament,waxaana sannadkani ku tartmaya 12 kooxood oo kubadda cagta ah oo kala ah: Faribault FC, MCK-Mcknight, Da?Wa,Cedar Stars, jabuuti, Edenpraire, Boston, Seattle,Dallas ,Atlanta ,Bartamaha, iyo Midnimo.Sidoo kale waxaa iyaguna dhanka Kubadda koleyga ka qaybqaadanaya 4 kooxood oo dhallinta yaryar ah.

Munaasabaddii furitaanka ee tartanka ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf isboorti oo halkaasi lagu casuumay oo isugu jiray halgamayaashii Isboortiga dhanka  Maamulka, Garsoorka , macallimiin iyo cayaartooydii hore K/cagta iyo Koleyga  Soomaaliyeed.Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi joogay martisharaf ka socotay MYSA, Minnesota Youth Soccer Association oo iyagu cilaaqaad la leh ururka SAYEC, Somali Youth Enrichment Club oo ka mid ah ururada hoos yimaada SYDOM., iyada oo qabiiradii ka socday Minnesota Youth Sports Association ay halkaasi casharo ku siiyeen caruurta Soomaaliyeed…Waxa iyaguna tababarka wax ka bixinayay macallimiinta Soomaaliyeed Sida: Aamaan,Marshaale iyo axmed Cismaan Geedi.

Imam Xasan Jaamici ayaa ugu horrayntii halkaasi waxaa uu ka soo jeediyay wacdi  uu ku baraarujinayay dhallinyarada inay ka qayb qaataan  xoojinta iyo sare u qaadida Diinta  Islaamka , kuna xirmaan masaajidada iyo meelaha qayrku uu ka jiro. Sidoo kale waxaa uu sheikh Xasan Jaamici ka hadlay isboortiga iyo kaalintii ay saxaabada ku lahaayeen, isaga oo caddeeyay in isboortigu uusan wax anshax xumo ah uusan ku lahayn mujtamaca loona baahan in dhallinyarada ay ka qayb qaataan.

Waxaa  iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha qabanqaabada ee tartanka Somali week 2010 C/qaadir Xaaji Daahir?Shiikha? iyo kuwa u taagan har iyo habeen wax u qabadka caruurta Soomaaliyeed, kaalinta ugu wayna ka qaata  qabanqaabada barnaamijkan xiisaha badan waa     C/risaaq Saciid ? Marshaale? iyo C/raxmaan Guuleed ?Aamaan? waxaana ay si kooban uga warbixiyeen qaabka uu tartanku ku socon doono, iyo shuruucda lagu dhaqi doono, waxaana ay kula dardaarmeen ciyaartooyda in ay la yimaadaan anshax iyo dulqaad , soona bandhigaan farsamo ciyaareed  ay dadweynuhu jeclaystaan.

Halgamayaashii  Isboortiga Soomaaliyeed ayaa  iyaguna goob joog ka ahaa xafladdii furitaanka, Macallin Ibraahim Suudaani,Macallin Qolof,Macallin qariindi, Garsoore Maxamed  Aadan Jeelle , Cabdi Cumar, Axmed Daahir,C/qaadir Madaxey,Axmed Cismaan geedi iyo C/qaadir Daahir.

Macallin Qolof ,Macallin Qariindi iyo Garsoore Jeelle oo iyagu munaasabaddaasi ka hadlay ayaa diirada saaray baahida loo qabo in lagu dadaalo soo saaridda jiil cusub oo isboortiga Soomaaliyeed gaarsiiya meelo sare, iyo in lagu dadaalo oo  la ilaaliyo asluubta  iyo anshaxa cayaaraha.Waxaana ay si qoto dheer uga warrameen sharaftii iyo karaamadii ay ummadda Soomaaliyeed ku lahayd isboortiga noocyadiisa kala duwan.

Cabdi Cumar oo isagu ka tirsanaa cayaaryahannadii kubadda cagta ee naadigii Horseed ayaa ka warbixiyay taariikhdii macallinkii waynaa ee Ibraahim Suudaani oo uu ku sifeeyay inuu halgan dheer u soo galay isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta, uuna soo saaray ciyaaryahanno magac weyn ku lahaa kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin oo isagu si aad ah uga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray ciyaaraha toddobaadka Soomaalida. Cabdi Cali waxaa uu sheegay inaysan ahayn oo kaliya in la cayaaro oo ay tahay munaasabadda noocan ah in lagu xasuusto halgamayaashii Soomaaliyeed, israacii gobolada woqooyi iyo Koonfur iyo madaxbanaanidii Jabuuti iyo in aynu la qaybsano fantasiyaha iyo dabaaldagga maalinta xuriyadda Maraykanka ee 4th July oo ay Soomaalida gobolkani ku nool ay intooda badan yihiin dad qaatay dhalashada waddankan.

Waxaa uu guddoomiyuhu u mahadceliyay guud ahaanba intii ka soo qaybgashay xafladdaasi quruxda badnayd, dadkii ka soo shaqeeyay, cayaartooydii safarada dhaadheer soo gashay ee ka yimid gobolada ka baxsan Minnesota sida: Boston,Seattle,WA,Atlanta iyo  Dallas.

Ugu dambayntii guddoomiyuhu waxaa uu ku dhawaaqay in cayaarihii toddobaadka Soomaalida 2010 ay furan yihiin.

Haddaba cayaarihii ugu horreeyay oo ay ahayd inay wada cayaaraan kooxaha Edenpraire Vs MCK, iyo Midnimo Vs Da?wa ayaan la ciyaarin Nimco Rabbi oo noo da?day awgeed (Roob faro Badan),iyada oo lagu ballamay in dib loo qaabeeyo cayaarahooda.

Haddaba tartamadaasi oo socon doona ilaa 4th July 2010, natiijooyinka ay ku soo dhammaadaan  halkan kala soco Inshaa-Allahu.

Dhanka raadiyaha waxaa si toos ah u tabinayay xafladdii halkaasi ka socotay wariye Gaalkacayo oo ka mid ah wariyayaasha gobolka Minnesota.

Diyaariye: Shiikha

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>