Germany oo guuldaro xun u xanbaariyay England
BLOEMFONTEIN, South Africa (CIYAARO)?Thomas Mueller ayaa 4 daqiiqo gudaheed 2 gool ugu dhaliyay England taasoo u sahashay Germany iney 4-1 ku maasheysay England to 4-1.
Mueller ayaa goolkiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa counterattack kaasoo uu dhaliyay daqiiqadii 67aad, hayeeshee 3 daqiiqo kadib ayuu dhaliyay goolkiisii 2aad.
Miroslav Klose ayaa ahaa dhaliyay goolka 1aad kaasoo dhashay daqiiqadii 20aad ee ciyaarta, halka Lukas Podolski uu 12 daqiiqo kadib uu dhaliyay goolkii 2aad ee ciyaarta.
Matthew Upson ayaa goolka kaliyaha ee ay heleen England u dhaliyay daqiiqadii 37aad, markii uu madaxa ku garaacay kubad cross aheyd oo uu soo laaday Steven Gerrard.
Frank Lampard ayaa goolkii 2aad ee England laga diiday daqiiqadii 38aad,.
Rajadii ay England? ka laheyd koobka aduunka waxaa galabtay ku qubeysatay Germany iyadoo koobka aduunka markii ay qaadeysay England ay ka qaaday Germany 1966.
Germany waxey meel u fadhidaa Argentina ama Mexico midkii soo badiya caawa.
ciyaaro@gmail.com
