Gos oo xustay maalinta Olympic Day

by Sunni Said Salah | Posted on Friday, June 25th, 2010
Readers:433

Mogdisho, Ciyaaro-Guddiga olombikada soomaaliyeed ee GOS ayaa si weyn u xusey munaasabadda olombikda aduunka ee 23ka june olympic day.

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu maamusayey maalinta olympic day ayaa lagu qabtay gudaha garoonka olompic fitness centre ee degmada xamar weyne, waxaana halkaasi lagu soo bandhigey ciyaaro kala duwan oo ay ka qeyb galeen xiriirada kubadda laliska,ciyaaraha fudud,iyo karate and tikwandu.

Daawashada ciyaarahaasi lagu xusayey olympic day waxaa ka soo qeyb galey masuuliyiinta ugu sareysa olompicada soomaliyeed madax ka tirsan xiriirada kala duwan iyo dadweyne aad u fara badan oo xiiseeya ciyaaraha.

Gudoomiyaha gudiga olombikada soomaliyeed Aden xaji yabarow (Wiish) oo xafladaasi ka hadley ayaa xusey sida ay ugu faraxsanyihiin xuska 23ka june oo ah Olompic Day in soomaliya ay qeyb ka qaadato maadaama caalamka oo dhan laga xusayo,

Tani waxaa ay muujineysaa sida olombikada soomaliyeed ugu dadaasho inaanay ka harin caalamka maadaama somalia ay magac iyo sumcad ka leedahay dibadda ayuu yiri wiish.

mr wiish ayaa dhinaca kale amaaney xiriirada ka qeyb galey ee ciyaaraha ku soo bandhigey maalinta 23 june olompic day.

Waxaa halkaasi lagu daawadey ciyaaha kubadda lalaiska oo ay ciyaarayeen labada kooxood ee JUBBA iyo SHabeele, sidoo kale xiriirka tikwandu and karate ayaa ciyaaro karate ah oo ay si weyn ugu heleen daawadayaashii joogey garoonka ku soo bandhigey, iyada oo ciyaartoy aad u fara badan oo dhinaca ciyaaraha fudud ay ka soo ordeen meel aad ugu fog garoonka olompic fitness.

waxaa ugu danbeyntii halkaasi lagu bixiyey shahaadooyin iyo abaal marino la gudoonsiiyey ciyaartoy macalimiin bahda saxaafadda iyo shirkado si weyn u taageeray dhaq dhaqaaqa sportiga dalka.

C/xafiid C/samad Zaciimka
zaciimka02@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>