Ivory Coast oo guusheedii ku qasaartay
NELSPRUIT, South Africa (CIYAARO)?Ivory Coast ayaa 3-0 ku dubatay xulka North Korea ciyaartoodii ugu danbeysay ee koobka aduunka, markii ay goolshaasi u kala dhaliyeen Yaya Toure, Koffi Romaric N?Dri iyo Salomon Kalou..
Ivory Coast wallow ay guul daro xoogan u dhiibtay North Korea hadana guushaasi ma noqon mid ku filan oo baahi tirta , si ay ugu sii baxaan wareeda 2aad ee koobka aduunka.
Xulka Ivorians waxey u baahnaayeen guul weyn oo ah in ay goolal badan dhaliyaan isla markaana ay guuldaro la kulanto xulka Portugal si ay booska 2aad ugu hesho Group G oo ay u soo gaarto wareega 16ka.
Toure ayaa Ivory Coast goolka 1aad u dhaliyay daqiiqadii 14aad, Romaric ayaa labeeyay daqiiqadii 20aad ee qeybtii hore. Kii 3aadna waxaa ku soo qatimay Kalou daqiiqadii 82aad.
ciyaaro@gmail.com
