Netherland oo 2-1 kaga farxalatay Slovakia
DURBAN, South Africa (CIYAARO)? Xulka the Netherlands ayaa gaaray wareega 8da markii Arjen Robben iyo Wesley Sneijder ay u kala dhaliyeen 2-1 ay ku dardareen Slovakia. Netherlands
The Oranje, oo aan waligeed koobka aduunka arag ayaa daqiiqadii 18aad waxaa goolka 1aad u dhaliyay Robben kaasoo kubad uu ka soo laaday meel goolka u jirta 20 tilaabo shabaqa ku hubsaday.
Sneijder ayaa goolka 2aad dhaliyay daqiiqadii 84aad ee ciyaarta isagoo ka faaiideystay goosha oo xilligaa marneyd.
Goolhayaha Netherlands Maarten Stekelenburg ayaa badbaadiyay 2 fursadood oo Qatar aheyd oo laga dhalin rabay waxeyna taasi u sashay Dutch-ka in ay sii heystaan record ?kooda aan laga badin 23 kulan.
Robert Vittek oo ka mid ah gool dhaliyayaasha koobka aduunka ayaa goolka u dhaliyay Slovakia kaasoo ahaa mid rigoore ah ?markii uu goolkaasi dhaliyay ciyaartii oo dhana waa la soo afjaray.
Heerka quarterfinal-ka, xulka the Netherlands wuxuu la ciyaari doonaa Brazil or Chile midkii soo adkaada kuwaasoo caawa wada ciyaaraya.
ciyaaro@gmail.com
