Tevez oo Argentina dulmarsiiyay Mexico

by Sunni Said Salah | Posted on Sunday, June 27th, 2010
Readers:395

JOHANNESBURG (CIYAARO)?2-dii gool ee Carlos Tevez iyo kii Gonzalo Higuain waxeey Argentina u suuragalisay iney 3-1 kaga adkaadaan Mexico isla markaana ay u soo baxaan quarterfinal-ka koobka aduunka.

Ciyaartaan waxey aheyd tii 2aad oo muran xaga goolasha ah ay ka dhashaan, markii calan hayihii ciyaarta uu arki waayay gool offside ahaa oo uu dhaliyay Tevez.

Tevez wuxuu si cad ugu jiray xerada offside markii uu madaxa ku dhalinaayay kubadii uu u soo baasay Lionel Messi daqiiqadii 26aad ciyaartii ka dhacday garoonka Soccer City..

Daqiiqadii 33aad waxaa 2-0 ka dhigay ciyaarta Higuain markii uu ka faaiideystay qalad uu sameeyay Ricardo Osorio oo difaaca ugu ciyaarayay Mexico, wuxuuna sidaa ku qabtay hogaanka gool dhalinta koobka aduunka.

Goolkii 3aad waxaa shabaqa ku hubsaday  Tevez daqiiqadii 52aad kaasoo dhaliyay kubad uu ka soo laaday meel 25 tilaabo goolka u jirtay.

Javier Hernandez ayaa dhaliyay goolka qura ee Mexico ay la timid daqiiqadii 71aad ee ciyaarta.

Argentina waxey sabtida soo socota la ciyaari doontaa Germany, sanadkii 2006dii heerkaan oo kale ayeey ku  kulmeen waxaana badisay Germans.

Argentina iyo Germany waxey sidoo kale isku arkeen koobkii aduunka ee 1986 oo Argentina qaaday iyo kii 1990 ee ay Germany qaaday.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>