Uruguay oo Tariinka ka tuurtay Korea

by Sunni Said Salah | Posted on Saturday, June 26th, 2010
Readers:264

PORT ELIZABETH, South Africa (CIYAARO)?Luis Suarez ayaa 2dii qeybood ee ciyaarta 2 gool oo uu u dhaliyay xulkiisa waxey u suuragalisay Uruguay iney 2-1 kaga adkaadaan South Korea isla markaana ay u soo baxdo markii ugu horeysay mudo 40 sano ah quarterfinal-ka koobka aduunka.

Suarez oo 2da gool kala dhaliyay daqiiqadihii 8aad iyo tii 80aad ayaa wuxuu quusiyay Korea oo ka rajo qabtay in ciyaarta waqti dheeri ah lagu daro xilli ay bareejo aheyd.

Korea waxey ku riyooneysay in ay  markii ugu horeysay soo gaarto wareega 8da ee koobka aduunka meel ka baxsan dhulkeeda.

Lee Chung-yong ayaa goolka qura ee ay korea heshay u dhaliyay daqiiqadii 68aad ee ciyaarta kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1 ka hore inta aan laga dhalin goolka guusha.

Uruguay waxey wareega 8da la ciyaari doontaa xulalka United States ama Ghana ? midkii soo adkaada oo caawa ku ciyaari doona Johannesburg .

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>