AC Milan oo diiday iibka Ronaldinho
MILAN, Italy (CIYAARO) ? kooxda AC Milan ayaa diiday iney iska iibineyso weereryahankeeda Ronaldinho, sidaa waxaa sheegay milkiilaha kooxdaasi isla markaan ah ra?iisul wasaaraha dalka talyaaniga Silvio Berlusconi.
“Ronaldinho iib ma ahan , kooxda ayuu la joogayaa,” sidaa waxaa yiri Berlusconi intii uu ku guda jiray shir?jaraaid oo uu qabtay.
“maalmahaan lama hadlin, laakiin waxaan u xaqiijinayaa inuu heshiis cusub noo saxiixi doono , wuxuuna sii joogi doonaa kooxda.
“waxaan u tixgaliyaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka inuu yahay dhamaan.”
Ronaldinho wuxuu qaatay Ballon d’Or (European Footballer of the Year award) Sanadkii 2005 kadib markii uu kooxda Barcelona u qaaday horyaalka iyo Champions League.
Milan wuxuu ku soo biiray July 2008 markii lagu soo iibsaday 18.5 million euros.
30-sano jirkaasi hoos ayuu ugu dhacay heerkii uu joogay xilligii uu la joogay Catalonia Italy, wallow uu si wanaagsan u ciyaaray horaantii sanadkii tagay markaasoo Milan ay horyaalkeeda kaalinta 3aad ka gashay Serie A.
Dhawaanahaan waxaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laaban doono Brazil oo uu xiran doono maaliyada Flamengo, sidoo kale waxaa lag reebay xulkii Brazil ee ka qeybgalay koobkii aduunka, laakiin Berlusconi wuxuu beeniyay dhamaan hadaladaasi.



