Drogba oo ka maqnaan doona ciyaaro muhiim ah

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, July 28th, 2010
Readers:733

Weeraryahanka Chelsea Didier Drogba ayaa la filayaa inuusan ciyaari doonin kulanka bisha soo socota ay la ciyaarayaan Manchester United kuwaasoo wada ciyaari doona koobka Community Shield iyo kulanka furitaanka horyaalka Premier League markii la sheegay in qaliin lagu sameyn doono, isla markaana uu maqnaan doonop 3 todobaad.

Ciyaaryahanka reer Ivory Coast, ayaa qaliinkiisa waxaa xaqiijisay kooxdiisa Chelsea iyadoo warka la xariira qaliinkiisa soo dhigtay website-keeda  (www.chelseafc.com).

32-sano jirkaasi oo tababarka kooxda ka maqnaan doona mudo ku dhow 3 todobaad ayaana ciyaari doonin kulanka 8 Aug. ay Wembley kula ciyaarayaan United iyo kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan West Bromwich Albion 14-ka Aug. kaasoo ah kan furitaanka.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>