Faallo-6dii Xul ee Africa koobka aduunka ugu qeybgalay
Nairobi: Bar-kulan-Koobka aduunka ee 2010 wuxuu sanadkaan sameeyay taariikh weyn iyadoo markii ugu horeysay ciida Africa lagu ciyaaray isla markaana markii ugu horeysay ay ku guuleysatay Spain oo noqday wadankii 8aad ee qaata koobka ugu qiimaha badan aduunka.
South Africa
South Africa oo ahaa marti galiyihii tartanka aduunka ee 2010-ka ayaa wajigabax kala hoyaaday koobka aduunka isagoo taariikh cusub u dhigay
Markii uu noqday wadankii ugu horeyay ee koobka lagu qabta ee wareega 1aad ku hara gaar ahaan wareega loo yaqaan group stage.
Bafana Bafana waxey ku faani kartaa oo kaliyaha iney dhaliyeen goolkii ugu horeeyay ee koobka aduunka kaasoo uu dhaliyay Siphiwe Tshabalala ciyaartii furitaanka aheyd ee koobka aduunka.
Xulka wiilasha wiilasha waxey ku jireen G A waxeyna kala laabteen koobkii ay marti galinayeen 4 dhibcood iyagoo ciyaartii ugu danbeysay 2-1 kaga adkaaday xulka France
Algeria
Xulka Dawacooyinka saxaraha lama dagaanka ah waxey ku guuldareysteen sanadkaan iney wax gool ah ay koobka aduunka ka dhaliyaan waxey qasaaroyin ka qaateen xulalka Slovenia iyo US halka gool la?aan ay ku kala tageen England.
Algeria oo ku jirta Group-ka C waxey tartanka ka laabatay iyadoo hal dhibic wadata isla markaana ah xulka ugu hooseeya Group-kaasi.
Cameroon
Xulka Libaaxyada aan la loodin Karin waxey koobka aduunka ee 2010-ka kala laabteen ceeb weyn iyagoo noqday xulkii ugu horeyay ee xaqiijiya ka bixitaanka koobka aduunka marka loo eego 32-dii xul ee koobka xaadirtay, libaaxyada aan la loodin Karin ceebta kale ee ku dhacday waxey aheyd inay gurigoodii ku laabtay iyagoo aan wax dhibic ah wadan markii dhamaan kulamadii ay ciyaareen laga wada badiyay.
Cameron waxey ku jirtay Group-ka E oo ay kula jirtay Netherland, Japan iyo Denmark
Côte d?Ivoire
Xulka Maroodiyaasha waxey ahaayeen xulka ugu ciyaartoyda wanaagsan xulalka afrika ee koobka aduunka ka qeybgalay sanadkaan, hayeeshee waxey ka soo bixi weysay Group-ka G oo ahaa kii dhimashada ee ugu adkaa , waxey koobka aduunka kala huleeshay 4 dhibcood.
Kulankii ugu danbeeyay waxey 3-0 kaga badisay xulka Waqooyiga Kuuriya, hayeeshee guushaasi ma noqon mid ku filan maxaa yeelay waxaa looga baahnaa iney ku badiso ugu yaraan 9 gool si ay ugu soo baxdo wareega 2aad ee koobka aduunka.
Nigeria
Xulka Gor-gorada halista ah waxey ku jireen Group B waxeyna ka jaqaafiyeen koobka aduunka iyagoo wata hal dhibic markii kulankii ugu danbeeyay ay 2-2 la galeen xulka South Korea.
Super Eagles, waxey qasaariyeen fursad qaali ah ciyaartii ay la ciyaareen Greece iyagoo 1-0 ku hogaaminaya ayaa waxaa laga saaray oo calaamada casaanka ah laga siiyay Sani Kaita daqiiqadii 33aad ee ciyaarta markii uu si toos ah u laaday Vassilis Torosidis.
Greece oo ciyaartaa 2-1 ku badiyay wuxuu ku helay taariikh cusub isagoo markii ugu horeysay taariikhdiisa gool ka dhaliyay koobka aduunka sidoo kale dhibcihii ugu horeeyay ka helay koobka aduunka iyo sidoo kale guushii ugu horeysay ee koobka aduunka.
Ghana
Inkastoo ay sharaftii Africa sare u qaaday Ghana hadana waxey qarka u saarantay iney dhigto record cusub markii ay noqotay xulkii 3aad ee African ah ee taariikhda aduunka soo tiigsada wareega quaterafinalka ee koobka aduunka ee 8 xul.
Xulka The Black Stars ayaa sanadkaan waxey qasaariyeen fursad ay taariikh cusub ugu dhigi lahaayeen caalamka oo idil markii Asamoah Gyan uu ku qubeystay fursadii ugu qaalisaneyd ee Africa soo marta taarikhdeeda ciyaareed isagoo goolkii guusha oo ahaa mid rigoore ah uu birta ku dhuftay dhamaadkii ciyaarta , taasoo aheyd kubad dhalan rabtay oo uu soo celiyay Luis Suarez oo ciyaarta laga saaray markii uu gacanta ku soo celiyay kubadaasi oo dhalan rabtay.
Ghana oo hadii ay ka badin laheyd Uruguay u soo bixi laheyd semifinalaha koobka aduunka isla markaana noqon laheyd xulkii ugu horeeyay ee African ah ee darajadaasi gaara waxaa looga adkaaday 4-2 rigoorayaal ah markii ay 1-1 isla dhaafi waayeen 120 daqiiqo oo ay wada ciyaareen.
Ghana, waxay ahayd kooxdii ciyaartoyda matalaysa ay ugu da? yaraayeen ciyaarihii adduunka ee ka dhacaya dalka Germany, 2006.
4 mar ayeey qaadeen koobka Qaramada Qaaradda Africa, laakiin waxaa ugu danbeysay 1982-dii.
Ghana waxey heysataa oo kale 2 koob oo adduunka ah oo dhalinyarada da?doodu ka hooseyso 17-ka sano jirka ee FIFA world Cup.
Waxey noqdeen ciyaartoyda Ghana, kooxdii ugu horaysa ee Africa ah oo qaaday koobka adduunka ee FIFA world Cup U-20 sanadkii 2009.
Ciyaarihii 2006-dii, waxey u soo baxeen wareega 16-ka waxey ka soo kala badiyeen xulalka Czech Republic iyo USA.
Xulka Ghana wuxuu group-ka D kaga soo baxay 4 dhibcood oo kaalinta 2aad ah halka ay booska 1aad 6 dhibcodo uu ku heleen Germany
Sunni Said Salah










