Fabregas oo maaliyada Barcelona qasab loogu galiyay

by Suni Said Salah | Posted on Monday, July 19th, 2010
Readers:1369

CIYAARO -Xiddiga kooxda Arsenal captain-ka u ah ee  Cesc Fabregas ayaa jaraaidka caalamka ka soo muuqday isagoo ku sawiran maaliyada kooxda Barcelona intii lagu guda jiray dabaaldagii koobka aduunka ee xulka Spain.

23-sano jirkaasi oo horey ugu soo ciyaaray Barcelona ayaa kooxdaasi waxey mudo badan baadi goob ugu jirtay xiddigaan, hayeeshee dad badan ayaa waxey la yaabeen markii wareyska Marca uu bogiisa hore ku soo sawiray Cese oo xiran maaliyada barca taasoo sare u qaadeysa wararka sheegaya inuu u soo wareegi doono Camp Nou.

difaacyada Barcelona Carles Puyol iyo Gerard Pique ayaa si qasab ah maaliyada kooxdooda ugu xiray Fabregas, halka goolhayaha Liverpool Pepe Reina oo daadihiye ka ahaa showgaasi uu qasab masraxa ku soo galiyay Cesa xilli xulka la Furia Roja ay u dabaal dagayeen guusha koobka aduunka markii ay yimaadeen Madrid.

Fabregas hore wuxuu u sheegay inuu ku faanayo inuu yahay ciyaaryahan ka tirsan kooxda Arsenal halka macalinka Gunners Arsen Wenger uu ku soo waramay inuu diiday inuu la kulmo saraakiisha Barca.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>