Forlan oo loo magacaabay xiddiga koobka Aduunka

by Sunni Said Salah | Posted on Sunday, July 11th, 2010
Readers:439

CIYAARO.COM:: Weeraryahanka Xulka Uruguay?s Diego Forlan ayaa la siiyay abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan ciyaaraha koobka aduunka kadib markii uu koobka aduunka goolal la yaab leh ka dhaliyay isla markaana xulkiisa ka dhigay xulka kaliyaha ee ka nool qaarada South America kuwaasoo kaalinta 4aad tartanka ka galay .

Forlan ayaa abaalmarintaasi ku qaaday 23.4 boqolkiiba codadkii la qaaday sidaana ku qaatay ?Golden Ball? kubada dahabka , codbixintaan waxaa soo abaabulay FIFA waxaana ka qeybgalay wariyayaasha kubada cagta . kubad sameeyaha Dutch Wesley Sneijder oo tartanka ku jiray ayaa kaalinta 2aad ka galay codbixinta markii uu helay boqolkiisa 21.8 codadkii la bixiyay halka uu kaalinta 3aad galay weereryahanka reer Spain? David Villa oo helay codadkii la qaaday boqolkiiba 16.9 .

dhamaan 3daasi ciyaartoy waxey lahaayeen min 5 gool waxaana ku wehliyay weereryahanka Germany Thomas Muelle laakiin isaga 2 abaalmarin ayuu qaatayr.

Mueller waxaa la siiyay ?Golden Boot? abaalmarinta kabaha dahabka waxaana loo aqoonsaday gool dhaliyaha koobka aduunka, sida FIFA war ay soo saartay ku sheegtay .

sidoo kale xiddigaan waxaa loo doortay xiddigii ugu yaraa ee ugu wanaagsanaa koobka aduunka .

xulka ugu ciyaarta wanaagsan waxaa loo doortay Spain oo qaatay abaalmarinta FIFA Fair Play Award. halka captain Iker Casillas uu qaatay abaalmarinta goolhayaha ugu wanaagsna koobka aduunka markii uu qaatay ?Golden Glove? prize for best goalkeeper.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>