Gerrard oo joogi doona Liverpool

by Sunni Said Salah | Posted on Thursday, July 22nd, 2010
Readers:767

(CIYAARO) – Steven Gerrard ayaa balan qaaday inuu la joogayo Liverpool isla markaana uu la shaqeyn doono macalinka cusub ee kooxda Roy Hodgson, waana hadalkii ugu horeeyay ee cadeyn ah ee ka soo yeera xiddigaasi oo ah inuu garoonka Anfield ka sii ciyaari doono xagaaga soo socda.

?waxaan wada kulanay Roy Hodgson, wuxuuna igi qanciyay qorshihiisa cusub waana ku faraxsanahay qorshihiisa mustaqbalka ee kooxda ,?captain-ka Liverpool Gerrard ayaa sidaasi u sheegay website kooxda oo ah (www.liverpoolfc.tv).

?maantay ayaan tababarka kooxda dib ugu soo laabtay waxaana igu wehliyay qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydii koobka aduunka ka qeybgalay, laakiin waan sugi la?ahay bilaabashada xagaaga cusub.?

Hadalka Gerrard ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Liverpool ay keensatay Joe Cole iyadoo kooxdu sanadkii tagay kaalinta 7aad ka gashay horyaalka Premier League.

Gerrard iyo weeraryahanka Spain Fernando Torres, ayaa waxey yihiin 2da ciyaaryahan ee ugu qiimaha badan kooxdasi, waxaana la hadal hayay iney ka tagi doonaan kooxda Liverpool, oo lacago deyn ah lagu leeyahay oo gaaray 350 million pounds.

Heysashada Gerrard iyo Torres waxey aheyd wax ugu horeeya ee macalinka cusub ee kooxda, kaasoo ka soo tagay Fulham.

Gerrard wuxuu kooxda la joogay ilaa heerkiisii dugsiyada, wuxuuna u muuqdaa inuu yahay qalbiga kooxda.

Gerrard waxaa si weyn u baadi goobayay Macalinka cusub ee Real Madrid Jose Mourinho, sidoo kale wuxuu raadin jiray Gerrard markii uu la joogay Chelsea.

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>