Khedira oo ku biiray Real Madrid
by Suni Said Salah | Posted on Saturday, July 31st, 2010
Readers:1544
BERLIN, (CIYAARO) – Xiddiga khadka dhexe ee xulka Germany Sami Khedira, oo ka mid ahaa xiddigihii xulka Germany kala qeybgalay koobka aduunka ayaa ku biiray Real Madrid isagoo ka soo tagay VfB Stuttgart, qalinkana ku duugay 5 sano oo heshiis ah.
23-sano jirkaan, oo hooyadii tahay German ayaa waxaa ka dhalay Aabe Tunisian ah, waxaana lacagtiisa lagu sheegay 12 million euros oo u dhiganta($15.7 million).
Wuxuu ahaan doonaa ciyaaryahankii 4aad ee Real coach kaasoo uu keensaday macalinka cusub ee Jose Mourinho marka laga yimaado Angel Di Maria , Sergio Canales iyo Pedro Leon.
Khedira, 12 kulan ayuu xulkiisa u ciyaaray goolkiisii ugu horeeyana wuxuu u dhaliyay kulankii kaalinta 3aad ee Uruguay ciyaarihii koobka aduunka.
ciyaaro@gmail.com
Related posts:
United oo la galbatay koobkii 19aad ee Premier League
Jose Mourinho oo u jawaabay taageerayaasha Chelsea iyo Inter
Ronaldo oo noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa ee hela 100 gool



