Muller oo hantiyay Kabaha dahabka ee K/adduunka
12 July 2010 Waagacusub.com—JOHANNESBURG (CIYAARO) – Thomas Mueller ayaa koobka aduunka kala hoyaaday 2 abaalmarin oo kala ah gool dhalinta koobka aduunka iyo ciyaaryahanka ugu dada yar ee ugu wanaagsan koobka aduunka isagoo sidaa ku qaatay kabaha dahabka (Golden Boot for the tournament’s top scorer)
Ciyaaryahankaan oo 20-sano jir ah una ciyaara kooxda Bayern Munich ayaa gool dhalinta koobka aduunka ku qaaday 5 gool , tiro intaasi oo kale ah waxaa la leh Diego Forlan, Wesley Sneijder iyo David Villa.
Laakiin wuxuu kaga qaaday abaalmarinta kabaha dahabka ah ragaasi kale wuxuu caawiyay sida la sheegay 3 gool oo ay xulkiisa dhaliyeen halka raga kale aysan wax caawinaad ah sameyn .
Mueller waxaa intaa u dheer in loo doortay ciyaaryahanka ugu dada yar ee ugu fiicnaa koobka aduunka waxaa abaalmarintaasi siiyay FIFA’s Technical Study Group, wuxuuna abaalmarintaan ka qaaday oo kula tartamayay Andre Ayew oo Ghana ah iyo Giovanni dos Santos oo Mexican ah.
