Spain oo la hoyaaday koobkii aduunka 2010

by Sunni Said Salah | Posted on Sunday, July 11th, 2010
Readers:444

CIYAARO- Spain ayaa Taariikhdeeda markii ugu horeysay ku guuleysatay koobka aduunka markii ay 1-0 kaga badisay Netherlands, goolkaasoo uu dhaliyay madaalaha khadka dhexe ee Andres xilli ay ciyaarta oo dhan ka harsaneyd 4 daqiiqo oo kaliyaha waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray taasoo ka dhaceysay garoonka caaalamiga ah ee Soccer City .

Guuldaradaasi waxey u aheyd xulka Dutch qalbi jab weyn, iyagoo waliba 10 ciyaartoy ku ciyaarayay markii laga saaray John Heitinga oo qaatay jaalihii 2aad ee ciyaarta kadibna loo raaaciyay calaamada casaanka ah .

Holland qasaaradaan waxey u aheyd markii 3aad oo ay waayaan koobka aduuka , horey waxey u waayeen sanadihii 1974 iyo 1978.

Spain, waxey aheyd markii ugu horeysay oo ay ka soo muuqato ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka aduunka , waxey sidoo kale noqoneysaa wadankii 2aad ee la hoyaada 2 koob ee aduunka ugu qiimaha badan oo kala ah kan aduunka iyo kan yurub .

Xulka Spain wuxuu noqday xulkii ugu horeeyay ee yurub ah ee koobka aduunka ku qaada meel ka baxsan qaarada yurub , wuxuu sidoo kale noqday xulkii 8aad ee magaciis lagu qoro koobka aduunka tan iyo markii la soo bilaabay 1930.

Guusha Spain waxey ka dhigan tahay iney ku biiri doonto xulalka koobka aduunka heysta oo ka mid yihiin Brazil oo 5 mar qaaday koobka aduunka, Italy oo 4 mar qaaday, Germany oo 3 mar qaaday, Uruguay oo 2 mar qaasay, Argentina oo 2 mar qaaday, England iyo France oo min hal mar qaaday.

Ciyaarta xalay waxaa la bixiyay 13 jaalle iyo hal calaamada casaanka ah

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>