Tartanka Dugsiyada K/cagta oo ka socda Muqdisho

by Suni Said Salah | Posted on Monday, July 26th, 2010
Readers:453

Garoonka dugsiga jabuuti ayaa si rasmi ah waxaa uga bilowday tartan k.cagta dugsiyada gobolka banaadir oo ay soo agaasimeen xiriirka kubadda cagta. Tartanka oo ay ka qeyb galayaan 12 dugsi ayaa xaflad furitaana loogu sameeyey xarunta midowga ardada gobolka banaadir, waxaana ka qeyb galey masuuliyiinta x.s.k.c gudiga dugsiyada iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha iyo xoghayaha x.k.cagta said muganbe, c/qani arab oo hadalo ka jediyey xaflada ayaa waxa ay xuseen ahmiyada xiriirku u leeyahay tartamada dugsiyada oo ay xuseen in laga heli karo ciyaartoy metesha qaranka mustaqbalka dhow, waxana ay sheegen in gobolku leeyahay dugsiyo badan lakin xaalada iminka jirta darteed ay 12 dugsi ku bilaabeen. Kulamadii la ciyaaray maanta dugsiyada dharkenleey &jaabir ayaa guulo ka gaarey markii ay garaaceen dugsiyada al-mathell iyo deegaan.

Howlaha qabashada tartankan ayaa ah dar-dartii ugu horeysay ee ay bilaabeen gudoonka cusub ee x.s.k.cagta oo maalmo ka hor lagu doortey muqdisho, waxaana looga fadhiyaa dadaal ka badan iyo ka dhabeynta balanqaadyada cusub ee horumarinta k.cagta.

C/xafiid C/samad Zaciimka
Muqdisho

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>