AC Milan oo goolashii ugu badnaa ku badisay

by Suni Said Salah | Posted on Monday, August 30th, 2010
Readers:766

ROME (CIYAARO)—AC Milan ayaa kulankeedii furitaanka ee Serie A waxey 4-0 ku waraabisay Lecce iyadoo qeybtii danbe ee ciyaarta intii nasiinaha lagu kala maqnaa taageerayaasha la baray Zlatan Ibrahimovic oo xalay joogay garoonka the San Siro kooxdaasina ku biiray.

Alexandre Pato ayaa 2 ka mid ah dhaliyay, Thiago Silva ayaa sadaxeeyay halka Filippo Inzaghi oo ciyaarta badal ku soo galay uu goolkiisii 154aad ee Serie A uu xalay dhaliyay daqiiqadii 90aad ee dhamaadkii ciyaarta.

Ibrahimovic oo sabtidii ka yimid Barcelon ayaa waxaa garoonka dhexdiisa loo dhigay roog casaan ah oo uu ku socday  wuxuuna taageerayaasha u sheegay “halkaan waxaan u imid guul. Sanadkaan wax waliba waan ku guuleysan doonaa.”

Markaa kadib weereryahankii hore ee Inter Milan wuxuu dib ugu soo laabtay kursigii uu fadhiyay oo ku dhaganaa gudoomiyaha Milan isla markaana ah Ra’iisulwasaaraha Italy Silvio Berlusconi.

Ibrahimovic wuxuu safan doonaa kulankiisa ugu horeeya ee Milan kulanka Cesena.

Napoli iyo Fiorentina waxey ku kala baxeen 1-1 iyadoo 2da kooxood laga saaray min hal ciyaaryahan.

Sampdoria ayaa 2-0 waxey ku hafaadisay Lazio waxaana goolasha u kala dhaliyay Antonio Cassano iyoStefano Guberti.

Kooxda 5 mar ee isku xigta horyaalka heysata ee Inter ayaa kulankeeda furitaank waxey ciyaari doontaa caawa oo ay la ciyaari doonto Bologna.

Sabtidii oo horyaalka la furay , ayaa AS Roma waxey 0-0 la dhaafi weysay Cesena, taaso markii ugu horyesay horyaalka Serie A soo xaadirtay mudo 20 sano ah.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>