Arsenal oo ku barbartay Blackpool
LONDON (CIYAARO) – Theo Walcott ayaa 3 ka mid ah u dhaliyay Arsenal goolasha ay ku faraqday kooxda horyaalka ku cusub ee Blackpool , taasoo u ah cashir cusub oo ay ka baraneyso horyaalka markii ay loo saariyay 6-0 kulankii ka dhacay Emirates.
Walcott ayaa 2 ka mid ah goolasha qeybtii hore dhaliyay halka kan kalana uu dhaliyay markii la isku soo laabtay.
Goolasha kale waxaa min hal gool u kala qaatay Abou Diaby , Marouane Chamakh iyo Andrey Arshavin oo rigoore dhaliyay.
Waxey aheyd ciyaartii ugu horeysay oo 2daan kooxood dhexmarta mudo 39 sano ah laakiin Blackpool waxey xaaladu ku soo xumaatay markii laga saaray Evatt.
Blackpool, mudo 40-sano markii ugu horeysay ayeey dib ugu soo laabatay horyaalka heerka 1aad ee england.
Tottenham ayaa heshay guushii ugu horeysay ee xagaagaan markii ay 2-1 kag gudubtay Stoke.
Gareth Bale ayaa 2da goolba u dhaliyay Tottenham laakiin Stoke waxaa laga diiday gool uu dhaliyay Jon Walters.kaasoo Stoke kaga yimid Ipswich todobaadkii tagay, kubadaasi waxey u muuqatay mid dhaaftay line dhamaadkii ciyaarta laakiin garsoore Chris Foy ayaa diiday ansaxnimada goolkaasi.
Peter Odemwingie ayaa dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa cusub ee West Bromwich Albion 1-0 ay kaga badisay Sunderland.
Odemwingie ayaa goolkaasi helay daqiiqadii 81aad ee ciyaarta kaasoo uu ugu suuragaliyay West Brom iney ka soo kabato guuldaradii 6-0 aheyd ee ay ka soo xanbaarsatay Chelsea furitaankii horyaalka.
Weereryahanka reer Nigeria kooxda dhan wuxuu ku soo biiray maalintii jimcaha aheyd markii uu u saxiixay 2 sano oo heshiis ah isagoo ka soo tagay Lokomotiv Moscow.
ciyaaro@gmail.com




aad ayaan ugu faraxasnahay arsenal oo tuntay naadiga blackpool xataa waxaan tumi karnaa barcelona aniga waan tagera barcelona lkn messi waxaba kalacibsan andres iniesta lujan markarunta laga ahadlo messi hadu lacaibyahay sabab xulkisa koobka adduunka meel fcn ugaarsiin waayay!!!!!!!!!!!!!!!!!1