Barcelona oo badisay Real oo la celiyay

by Suni Said Salah | Posted on Monday, August 30th, 2010
Readers:668

MADRID (CIYAARO)—Lionel Messi, Andres Iniesta iyo David Villa ayaa Barcelona u kala dhaliyay 3-0 ay ku maasheysay Racing Santander, halka Real Madrid ay 0-0 la dhaafi weysay Mallorca kulankaasi wuxuu ahaa kii ugu horeyay ee Jose Mourinho isagoo macalin ah uu ka qabto horyaalka Liga.

Mourinho wuxuu sheegay in Madrid aysan ciyaarin heerkii uu ka filayay, laakiin uu ku faraxsanyahay in ciyaartoydiisa ay heleen fursado fiican laakiin ay gool dhalin waayeen.

Mourinho wuxuu dhawaan soo gaatay Mesut Ozil, Sami Khedira, Angel Di Maria, Sergio Canales iyo Ricardo Carvalho dhamaantood ciyaarta wey safnaayeen laakiin macalin Michael Laudrup iyo kooxdiisa  Mallorca wey u qalmeen dhibicda ay heleen marka la eego qaabka ay wax iskaga caabiyeen.

Kooxda horyaalka 2aad heysata ee Real Sociedad ayaa waxey u dabaal dagtay guusha ay ka gaartay horyaalka oo ay dib ugu soo laabtay markii ay 3 sano ka maqneyd waxeyna xalay 1-0 laga badisay Villarreal.

Pablo Osvaldo ayaa 2 gool oo uu u dhaliyay Espanyol waxey 3-1 kaga gudubtay Getafe, Deportivo La Coruna waxey 0-0 la dhaafi weysay Zaragoza sidaasi si la mdi ahOsasuna ayaa 0-0 la gashay Almeria.

Horyaalka oo furmay sabtidii, waxey kooxuhu isku arkeen Athletic Bilbao beat Hercules 1-0, Valencia beat Malaga 3-1 and Sevilla won 4-1 at Levante.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>