Bayern oo 2 sano siisay Mueller

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, August 7th, 2010
Readers:474

MUNICH, Germany (CIYAARO)—Bayern Munich ayaa siisay 2 sano oo heshiis ah Thomas Mueller si uu ula sii joogo kooxda , kaasoo u suuragalinaya inuu ka sii ciyaaro horyaalka Bundesliga illaa iyo 2015.

20-sano jirkaasi weererka ka ciyaara ayaa wuxuu wada ciyaaray dhamaan 34 tii kulan ee horyaalka Bundesliga sanadkii tagay , xilligaasi wuxuu u ahaa kiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaro Bayern , wuxuuna noqday gool dhaliyaha 2aad ee kooxda markii uu 13 gool dhaliyay. Wuxuu kooxdaasi ka caawiyay iney qaadato horyaalkii iyo koobkii dalka iyo imaanshihii finalihii Champions League.

Mueller markii uu 5 gool ka dhaliyay koobkii aduunka 2010, 3 kana uu caawiyay wuxuu qaatay kabihii dahabka ahaa , iyadoo loo sii doortay ciyaaryahankii ugu dada yaraa ee ugu fiicnaa koobka aduunka. Germany kaalinta 3aad ayeey koobka ka galeen.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>