Bremen, Partizan oo yimid ChLeague
GENOA, Italy (CIYAARO)—Claudio Pizarro ayaa waqtigii dheeriga ahaa wuxuu u dhaliyay Werder Bremen goolkii ay ku soo baxeen , kaasoo ay ugu soo baxeen tartanka Champions League oo ay mudo 3 sano ah ka maqnaayeen sidaasoo ay tahay to Sampdoria ayaa 3-2 kaga badisay.
3-0, ayaa Bremen lagu hogaaminayay hayeeshee waxaa ka fujiyay weereryahanka reer Swedish Markus Rosenberg oo ciyaarta ka dhigay 4-4 xilli ay hal daqiiqo ciyaarta ka harsan tahay.
Pizarro ayaase sii niyad tiray Sampdoria markii goolkii quusinta ka dhaliyay daqiiqadii 100aad ee ciyaarta taasoo keentay in Bremen ay 5-4 isku celcelis ahaan ku soo baxdo.
Sampdoria koobkaan waxaa ugu danbeysay 1992 markaasoo ay finalaha koobkii la oran jiray European Cup timid—xilligaa waxaa koobka qaaday Barcelona—laakiin sidii loogu bixiyay koobkaan Champions League ma aysan ka soo qeybgalin.
Guusha Bremen waxey wax weyn u tahay k/cagta German oo dagaal kula jirta k/cagta Italy marka loo eego darajo siinta iyo qiimeynta UEFA, gaar ahaan marka ay timaado tirada kooxaha horyaal waliba ugu qeybgala tartamada yurub.
Partizan oo soo gaartay Champs League
BRUSSELS (CIYAARO)—Partizan Belgrade ayaa Anderlecht 3-2 rigoorayaal ah kaga badisay sidaana ugu soo baxday Champions League ciyaarihiisa.
Ciyaartaasi waxey xilligii loogu talagalay ku soo idlaatay 2-2 xitaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray. Sidaasi oo kale lugtii 1aad ee Belgrade ka dhacday todobaadkii tagay waxey ku soo idlaatay 2-2.
Kooxda horyaalka Serbia heysata, waa markii 2aad oo ay ka soo qeybgasho tartanka Champions League iyadoo markii ugu horeysay oo ay timaado ay aheyd 2003 xilligaa waxaa markaa macalin u ahaa xiddigii weynaa ee Germany Lothar Matthaeus.
ciyaaro@gmail.com



