Captain-imada Germany oo muran gashay

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, August 10th, 2010
Readers:1145

BERLIN, (CIYAARO) – Thomas Hitzlsperger ayaa Germany captain u ahaan doona ciyaarta saaxiibtinimo ee ay habeen danbe la ciyaari doonaan xulka Denmark, macalin Joachim Loew ayaa sheegay in si kumeel gaar ah uu ciyaaryahankaasi xilkaasi loogu dhiibay, si loo joojiyo muranka iyo isqabqabsiga ka dhex aloosan captain-imada xulkaasi taasoo u dhaxeysa Michael Ballack iyo Philipp Lahm.

Ciyaartaan waxey Germany u tahay tii ugu horeysay oo ay ciyaaraan tan iyo markii ay kaalinta 3aad kooobkii aduunak galeen bishii tagtay.

Ballack, wuxuu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Bayer Leverkusen isagoo ak yimid Chelsea, wuxuu sheegay inuu dib u hanan doono doortiisii hogaamineed ee xulkiisa halka Lahm uu sheegay inuu yahay wali captain-ka rasmiga ah.

Hitzlsperger, waa 28 sano jir, wuxuu u ciyaaraa West Ham, sanadkii tagay wuxuu la joogay Lazio, koobkii aduunka waa laga reebay ciyaartoyda xulka.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. Abdifatah says:

    Iam verry sorry sababta loogu haysto captainka xidiga wayn ee micheal Ballack oo inan yar oo shalay dhaawaciisa ka faaidaystay isku raro

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>