Cristiano Ronaldo oo jaceylkiisa helay

by Suni Said Salah | Posted on Monday, August 23rd, 2010
Readers:7830

MADRID:CIYAARO-Bar-kulan-Cristiano Ronaldo iyo gabadha ay saaxiibaha yihiin ee Irina Shayk ayaa dib u midoobay markii lagu arkay iyagoo si wada jira ah u daawanaya ciyaar basketball, wuxuuna kulankooda yimid xilli la sheegayo in Cristiano Ronaldo uu jeceylaaday oo ay soo jiidatay gabadha dharka xayeeysiisa ee Rhian Sugden isagoo u diray fariimaha gab gaaban ee telefonka gacanta.

Xiddiga kooxda Real Madrid iyo saaxiibtiisa wadanka Russian u dhalatay ee sidoo kale dharka xayeeysiisay waxey u muuqdeen iney aad isku jecel yihiin iyagoo qosol iyo kaftan is dhaafsanayay markii ay daawanayeen ciyaartii Basketball ee Spain iyo USA ay wada ciyaarayeen ee magaalada Madrid ka dhacday.

Dhawaan waxaa soo baxayay warar sheegaya in Ronaldo uu xiriir la leeyahay Rhian Sugden, taasoo fariimo qoraal ah oo xaga mobile ah u soo diri jirtay, kadib markii ay isku arkeen Manchester.

Lamaanahaan waa Cristiano Ronaldo iyo Irina Shayk waxey isa shukaansanayeen ilaa iyo bishii May ee sanadkaan, waxeyna u muuqdeen markii ay is ag fadhiyeen ineysan qabin wax walaac ah oo ku saabsan inuu saaxiibkeed xiriir kale la leeyahay gabar kale.

Xog ayaa u sheegtay wargeyska the Sun: in Ronaldo uu Number telefonka Rhian uu ka qaatay markii ay ku kulmeen baar ku yaala Manchester. Isagoo markaa bilaabay inuu waco oo uu fariimo u diro.’wuxuuna sheegay iney aad u soo jiidatay Rhian Sugden

Kulanka lamaanahaan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay wada yeesheen tan iyo bishii July horaanteedii markii Ronaldo uu saaxiibtiis Shayk ku booqday gurigeeda oo ku yaala New York.

Laakiin xiddigaan ayaa ka yaabiyay taageerayaashiisa markii uu shaac ka qaaday inuu noqday Aabe, isla markaana uu dhalay wiil 17-kii June , wuxuu sheegay iney u dhashay hooyo American ah.

Cunugaasi waxaa u qaaday hooyadiis Dolores Aveiro, oo 55 sano jir ah, iyo 2da gabdhood ee la dhalatay oo kala ah Katia, oo 33 sano jir ah iyo Elma oo 35 sano jir ah.

Sida ay qortay Sunday newspaper , Ronaldo ayaa cunugaan wuxuu ka dhalay haweeney uu hal habeen la galmooday. Haweyneydaasi ayaa sheegtay in markii ay dareentay iney uur leedahay ay la xiriirtay wakiilka Ronaldo iyadoo baaritaanka dhacaanka DNA uu sheegay in cunugaasi uu leeyahay Ronaldo xilligaasi wuxuu ka qeybgalayay ciyaarihii koobkii aduunka.

Ronaldo wuxuu diiday inuu wax hadal ah ka yiraahdo inuu dhalay cunugaasi iyo in kale.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay July 3 inuu Aabe noqday, Ronaldo wuxuu u muuqday inuu waqtiyada qaar la qaato wiilkiisa.

Maalmo kadib waxaa lala yaabay in la soo sawiro Ronaldo oo dukaameysi, xafladeyn iyo baashaal kale hotelkiisa kula qaadanaya saaxiibtiisa New York dagan ee ay haatan isku soo laabteen.

Wiilka uu dhalay oo la yiraah Ronaldihii yaraa waxaa guri looga ijaaray magaalada Algarve waxaana todobaadkii gurigaasi ku baxa aduun lacageed oo gaaray £20,000.

ciyaaro@gmail.com

warbixinta oo English ah halkaan hoose ka aqri

Related posts:

Tags
Displaying 5 Comments
Add Your Comment
  1. muna says:

    woow i like it i love you ronald u will be win all day loolz

  2. Liiboy says:

    I think any thing ronaldo

  3. Suldaanka says:

    Romaldo wax ka mayaaqaan jeceelka dhanqankiisa waxaam dalkaasi hindia uku dalbay naa Aktarkaasi caalamiga ah Shahruqan

  4. Ronaldo is agreat player who know the skills of football&love

  5. ronaldo waa ciyaariyahaan dhameestiran marka laga fiiriyo meel waliba

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>