Deco oo ku biiray Fluminense

by Suni Said Salah | Posted on Sunday, August 8th, 2010
Readers:727

RIO DE JANEIRO, (CIYAARO) – Xiddigii hore ee xulka Portugal Deco ayaa dib ugu laabtay halkii uu asal ahaanta ka soo jeeday ee Brazil isagoo ku biiray kooxda Fluminense.

32-sano jirkaasi ayaa 2 sano oo uu la joogay Chelsea, markii ay hoos u dhac ciyaareed soo wajaheen wuxuu, wuxuu go’aansaday inuu aado dalkiisii.

Xiddigaan oo horey ugu soo ciyaaray kooxaha Porto iyo Barcelona wuxuu beri qaban doonaa shirkiisa jaraaid ee ku biirirtaanka kooxdisa cusub.

Deco, magaciisa oo buuxa waxaa la yiraah Anderson Luis de Souza, wuxuu ku dhashay meel ku dhow Sao Paulo wuxuuna ciyaarihiisa ka soo bilaabay Corinthians, wuxuu aaday Benfica 1997.

Wuxuu magac ku yeeshay Porto, dhashada dalka Portuguese ayaa la siiyay 2002.

Laakiin taasi waxey dhalisay muran, markii lagu daray xulka Portugal, sanad kadib waxaa lagu daray xulka Brazil. Kulankiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa midkii saaxiibtinimo ee dhex maray Brazil Portugal , xilligaasi wuxuu dhaliyay goolkii guusha ee 2-1.

Deco wuxuu Portugal u ciyaaray 2 koob aduun—2006 iyo 2010 — iyo 2 koob oo qaarada yurub ah.

Champions League wuxuu la qaaday Porto 2004, mar kale wuxuu la qaaday Barcelona.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>