FIFA oo socdaalkeeda soo afjareysa

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, August 31st, 2010
Readers:410

MADRID (CIYAARO) – Wafdiga kormeerka FIFA ayaa tagay xarunta Spain, kaasoo ay ku soo afjarayaan socdaalkii dheeraa ee ay ku marayeen dalalka u sharan martigalinta koobabka aduunka ee 2018 iyo 2022 World Cup.

Spain, oo koobkii ugu horeeyay ee aduun sanadkaan qaaday, ayaa waxey marti galinta tartankaan waxey ku wehlisaa Portugal.

Kormeerayaasha waxey booqan doonaan magaalooyinka Spain ka hore inta aysan aadin Portugal maalinta beri ah . waxaana soo qatimi doonaan kormeerkooda maalinta khamiista .

Koobka aduunka ee soo socda waxaa lagu qaban doonaa Brazil 4 sano kadib.

Musharaxiinta koobka aduunka ee 2018 waxey kala yihiin England, Russia, United States, Spain/Portugal iyo the Netherlands/Belgium.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>