Garsoore Busacca oo loo dhiibay Super Cup
NYON, Switzerland (CIYAARO)—Garsooraha reer Swiss Massimo Busacca ayaa loo magacaabay inuu yahay ninka qabanaya ciyaarta Super Cup ee ay wada ciyaari doonaan Inter Milan iyo Atletico Madrid habeen danbe taasoo ka dhici doonta Monaco.
UEFA ayaa dooratay iney u dhiibto ciyaartaasi weyn Busacca si ay ugu tijaabiso calafkiisa markii uu ceeb iyo fadeexad kala soo laabtay ciyaarihii koobka aduunka ee South Africa.
Garsoore Busacca oo ku hadla 5 luuqadood ayaa FIFA waxey u dhiibtay ciyaartii South Africa iyo Uruguay taasoo uu calaamada casaanka ah siiyay goolhayihii South Africa Itumeleng Khune isagoo ku eedeynaayay inuu jilaafay Luis Suarez markaasi ciyaarto waxey mareysay 1-0 waxaan ku hogaamineysay Uruguay iyadoo ay 10 daqiiqo oo quraha ka dhimaneyd ciyaarta.
Uruguay oo gool rigoore ah loo dhigay markaasi waxey ku badisay 3-0, taasoo keentay in wadanka marti galiyaha ah uu ku haray gool tirsi markii ay France kaga badiyeen 2-1.
Macalinkii South Africa ee xilligaasi Carlos Alberto Parreira ayaa cambaareyn dush kaga tuuray Busacca, isago yiri “garsoorahaasi uma qalmin inuu halkaan yimaado.”
ciyaaro@gmail.com



