Kevin-Prince Boateng oo Milan aaday

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, August 19th, 2010
Readers:5988

CIYAARO-Kooxda reer talyaani ee Milan ayaa ku dhawaaqday iney la timid xiddiga reer Ghana ee khadka dhexe Kevin-Prince Boateng kaasoo ay ka soo qaadatay Genoa , wuxuuna xilli ciyaareedka soo socoda ugu ciyaari doontaa qaab deyn ah iyadoo uu heshiisku uu qeyb ka yahay in ay iibsin karaan marka uu dhamaado xilli ciyaareedka 2010-11.

Boateng waxaa horyaalka Serie A keentay kooxda Genoa oo ka soo qaadatay Portsmouth , wuxuuna ka mid ahaa xiddigihii wacdaraha ka dhigay koobkii aduunak 2010 isagoo u ciyaarayay xulka Black Stars.

Boateng. Wuxuu ku dhashay Berlin dalka German, waxaana iska dhalay hooyo Germany ah iyo aabe Ghana ah.

Walaalkiis  Boateng Jerome wuxuu u ciyaarayay sanadkaan Germany’ kaasoo aaday una ciyaari doona kooxda Manchester City.

ciyaaro@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>